Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka oo ka Hadlay Xaqa Muwaadinku u Leeyahay inuu ka Dacwoodo Xadhiga Sharci Darada Ah

0
714

“Cilaajyadu waa halis aan la qarin karin, faldanbiyeedyada ka dhacaana way badan yihiin”Agaasimaha Fulinta Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan

Hargeysa (Dawan)Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan,ayaa ka hadlay  gurmad ay ugu jiraan sii daynta maxaabiista muddo dhaafka ah ee xukunkii ka dhammaaday balse wali xidhan,halista cilaajyada ka jirta iyo meelaha caddaalada looga baahan yahay in laga toosiyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatada la deriska ah dadka naafada ah oo uu sheegay in ay yihiin dadka ugu nugul ee loo baahan yahay in wax lala qabto.

Waxaanu intaa raaciyay sida ay sharci darro u tahay in qof inta la iska xidho oo muddo la hayo in la yidhaahdo hadana dambi ma lihid oo la iska sii daayo,taasoo uu caddeeyay in qofku xaq u leeyahay in uu cidda xidhay  dacwad ku oogo isla markaana ay komishan ahaan diyaar u yihiin in ay gacan ka siiyaan.

Agaasime Cabdisamad oo waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan ,ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabaya waxay kala socdaan dadka ku xidhan cilaajyada Somaliland iyo siday u shaqeeyaan ayuu yidhi. “Arrinta Cilaajyada carqalad weyn ayaa ka jirta, marka koobaad malaha meel toosa oo ay leeyihiin oo laga diwaangeliyo, islamarkaana liisankooda laga bixiyo kormeerada aanu ku tagnay  waxaa nooga soo baxay Cilaaj  ayaad tegaysa waxaa uu leeyahay waxa aan ka diiwaangashanahay wasaaradda caafimaadka ayuu ku odhanaya, mid kale ayaad u tegaysa waxaa uu ku odhanayaa waxaan ka diwaangashahay wasaaradda diinta iyo awqaafta, mid kale ayaad tageysa waxaa uu leeyahay anigu Quraan oo kaliya ayaan akhriyaa, waxaa noo soo baxday in ay yihiin saddex nooc, qayb Quraan wax ku daweysa, qayb dhirta wax ku daweysa, waa qayb dawooyinka iyo dhirta isku dara, waa qayb waadhadh leh oo dadka la jiifiyo, waa qayb bukaan socod kaliya leh oo qofka inta la keeno la celiyo.

Dhibaatooyinka dhanka caafimaad ee ka jira malah wax kala saarida kii waalida dhabta ahaa ee maskaxda ka xannuunsanayay, kii xannuunada faafa qabay iyo kii hagaagsana intuba meel ayay ku wada xidhan yihiin, waxaa naga soo maray ehelo inta hawlo dhaxal iyo dhul dhex mareen mid ka mida la xidhay, la qabtay la geeyay lana yidhi waa wiilkayagii oo wuu xannuunsanaya oo aanu ugu tagnay oo maxkamada la kaashanay oo laga soo daayay, guriyar oo afar qol ah oo boqol qof ay ku jiraan

Ilaa imika waxaa hirgashay in qofkii la xidhayo maxkamada degmada waraaq laga soo qaado, islamarkaana ay qofkaasi u dirto cisbitaalka dhimirka ee magaalada Hargeysa, lana soo caddeeyo in qofkaasi maskixiyan u xannuunsanayo, wali waxa jirta carqalad kale oo ah in cilaajyadu maalina mid aanad ogeyni uu furmaya, maalina mid aanad ogayni uu xidhmayaa, kiisaska na soomaray ee aanu aadka uga hadalay waxaa ka mid ahaa dadka in laydh loo adeegsan jiray inta lagu qabto oo lagu dhintay, oo aanu ka hawl galnay, lana soo xidhay dadkii meeshaasi haystay.

Waxyaabaha kale ee na soo maray waxaa ka mida kufsiba ka dhaca oo weli alaankan la laayahay kii cilaajkan heystay ee gabadhan loo geeyay markii uu kufsigu ku soo baxay meel u jaan iyo cidhib dhigay, marka arrintaasi cilaajyadu waa mid u baahan in si heer Qaran ah looga hawlgalo”

Mar uu ka hadlayy arrinta dadka naafada ah iyo xuquuqdooda waxaa uu yidhi. “Komishan ahaan wacyigelin badan ayaanu ka sameynaa arrintooda, anaga oo bulshada qaybaheeda kala duwan ku wacyigelinayna sidii loo ilaalinlahaa, haday tahay hay’addaha dawladda sidii loo dhawrilahaa xuquuqaadkooda, iyaga gudahooda in aanu u sameyno dhiirigelin iyo wacyigelin la xidhiidha qofka naafada ahi in marka maskaxdiisa iyo laxaadkiisu caadi yihiin in uu meel walba ka qaybgeli karo, ee aanay noqonin iyagu qaar is liida ee dib isu dhiga, halka u horeysa  takoorku ka bilaabmaa waa guriga qoyska leh saddex carruura midkood hadii uu noqdo naafo, oo uu meel uun naafo ka yahay waa ay qariyaan, goobaha waxbarahada uma diraan, dibada uma baxo, meel ILLAAHEY leeyahay oo uuu baxaa ma jiro waxaa la odhanaya naafo ayaad tahay ee halkaasi joog, isaga oo kii ka weyna ama ka yara madarasadii iyo iskuulkiiba la geynayo, oo uu ciyaar tagayo.

Goobaha dawlada mar walba waxaa aanu ku wacyigelina in loo sameeyo goobihii dadka naafada ah u sahli lahaa in meesha ay u socdaan ay sahakl ku gaadhaan, sannadihii ugu danbeeyay xafiiskayagu waxaa uu qaadanaayay dad naafo ah, marka waxaan u soo jeedinaya xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha shaqada tooska ah ku leh ee wasaaradda waxbarashada iyo ta qoysku ka mid yihiin in laga fikiro ardayda naafada ahi goobihii ay wax ku baran lahaayeen, iyaga oo guud ahaanba dadka araga naafada ka ahi ay ka aradan yihiin guud ahaan agabyada dhinacyada waxbarashada”

 

Mar wax laga waydiiyay maxaabiista muddo dhaafka ah iyo xal u helistooda ayuu yidhi Agaasime Cabdisamad. “Komishanku waxaa uu u soo ururiya isaga oo wada shaqeyn la leh wasaarada caddaalada iyo guddida diwaanka sekada sidii maxaabiista deymaha madaniga ee lagu leeyahay weli u sii xidhan bulshada Somaliland iyo ganacsatadeedu uga bixin lahaayeen sekooyinka ay bulshadu bixinayso in ay kaga bixiyaan dadkaasi maxaabiista ah looga sii daayo, xabsiga, Weli waxaa aanu ku jirnaa dhaqaalo ururintii loo ururinayay si maxaabiista looga sii daayo xabsiyada, maaha markii koobaad sannadkan sannadkii ka horeeyay ee 2019-kii waxaa aanu ka sii daynay maxaabiis sidaasi oo kale lagulahaa deyntaa madaniga ah oo ay naga caawiyeen ganacstada Somaliland, iyo hay’adda diwaangelinta sekadu imikana ay nagala shaqeynayso wasaaradda caddaalada iyo hay’adda diwaangelinta sekaddu sidii wixii dhaqaale ah ee aanu u helay loogu sii dayn lahaa sannadkan dabayaqadiisa maxaabiitsa, aanu u aragno in ay kafeynayso lacagtaasi la hayaa.

Waxaa jirta maxaabiis  kale oo sidaasi oo kale wakhtigu ka dhammaaday balse ganaaxyada fudfudud oo dhan waxaa aanu uga mahad celineyna guddoomiyayaasha maxakamadaha Racfaanada marka aanu ugudbino ee fudud ee xagga dawlada lagaga ganaaxay in ay ka cafiyaan, kadibna xadhiga sidaasi lagaga sii daayo, balse waxaa aanay hay’addaha sharci fulintu aanay isla qaadan hannaankii loola dhaqmi lahaa qofka daynta madaniga ah maxkamadduhu ku soo xukumeen, ee xadhigiina ka dhammaaday qaabka uu xabsiga uga bixilahaa ilaa uu lacagta helo, taasi waxaa ay u baahan tahay in xal sharciya loo helo, iyada oo aanu kaashanayno, guddoomiyaha maxkamada sare, xeer illaaliyaha guud, wasaaradda cadaaladda, marka arrinta mudda dhaafku dhab ahaantii aad iyo aad ayay u yar tahay, marka aad eegto xagga xabsiyada, saldhigyada in qof aan maxkamaddba la geyn saldhig layskaga hayo, hase ahaate waxaa dheer oo mudo qaata wakhtiga baadhista oo dhab ahaantii carqalad badan ku keenta inta qofkii kiiskiisi go’aan laga gaadhayo in uu saldhiga ku sii jiro, balse ma jiro qof inta saldhig la geeyo iyada oo aan maxkamad la saarin meesha la iskaga sii heysto, waa mid meesha ka sii baxaysa”

Agaasime Cabdisamad oo ka         jawaabayay su’aal laga waydiiyay xadhigga rummaanka ah(qofka baadhistiisu dheeraato) iyo ugu horrayn saldhigyada oo ah halka xadhiga qofku ka bilaabmo,ayaa yidhi.“Sharciyan way kala duwan tahay wakhtiga qofka la rummaan gareynayaa iyada oo ku xidhan xaalada qofka la rummaan garaynayaa ama qofkaasi la xalaalaynayo xadhigiisa cidii uu wax u geystay, ama kiiskiisu sida uu yahay, ujeedada u weyn ee laga leeyahay haynta ama xalaaleynta qofkan xadhigiisa waxaa weeyi in muddo la siiyo qofka baadhistiisi danbiga qofkaasi waxaa caddeymo loo hayo inuu galay iyo in aanu gelin, iyo caddaymihiisa in lagu soo baadho mudadaasi, marka waxaa ay ku xidhnaanaysa xaalada todoba cisho ayay noqonaysa ilaa waxaa ay gaadha sagaashan cisho, marka waxaa jirta odhaah tidhaahda hadii xadhigaaga ama baadhistu raagto waxaa ay la mid tahay adiga oo caddaaladii waayay, macnaheedu waxaa weeyaan garsooraha la horgeynayaa in uu yidhaaho todoba ciho ayaan ku siiyay, todobadii cisho intee oo caddeyn ah ayaad ku haysaa marka hadii uu u arko wax caddeyn ah oo la daba sida inaanay jirin waa in uu talaabadiisii caddaalada aheyd uu ka fuliyaa, balse maalin maalin walba hadii baadhaha iyo  xeer ilaalintu ii rumaan gare”

“Marka la xisaabtankii ayaa meesha ka baxaya wax dhacda maxaabiis saddex saddex bilood u xidhnaata baadhis oo marka danbe la yidhaaho waa lagugu waayay danbi, xuquuq ayuu leeyahay bulshada Somalilandna weli may baran in magdhawgii xadhiga xaqdarada ah ee ay intaasi u xidhnayd ay dacwad ka furan karto iyadana weli taasi bulshadu kuma baraarugsana balse xaq ayuu u leeyahay dacwoodo, qofkii marka waxaa uu yeelanaya magdhaw sababto ah waxaa lagu xadgudbay sharaftiisi waxaa lagu xadgubay xuquuqdiisi qofnimo, waxaa lagu xadgudbay dadnimadiisi wakhtigii iyo hawlihiisi”

“Waxaa aanu ku wacyigelinaynaa bulshada sidii ay u baran lahaayeen xuquuqahooda iyo xuquuqaha noocaasi ah ee ay leeyihiin, iyo kuwa bulsho hadii ay tahay wixii looga baahdo ee adeeg sharciya, ee ay komishanka uga baahdan mar walbana waxaa uu u taagan yahay una aasaasan yahay waa xuquuqda bulshada”

 

Leave a Reply