Guddida Nashqadaynta Dhulka oo Joojiyey Fiditaanka Caasimada Hargeysa

0
610

Hargeysa-(Dawan)-

 

Hargeysa-(Dawan)- Guddida nashaqadeynta dhulka ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay fadhi ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ku joojiyey qorsheynta magaalooyinka dalka iyo fiditaanka caasimada.

 

 

Guddidan oo ka kooban xubno wasiirro ah isla markaana uu guddoomiye u yahay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryenta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa markii uu kulankaasi soo dhammaaday waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay kulankaas kaga hadleen iyo go’aamo ay ka soo saareen.

 

Wasiir Qambi ayaa sheegay inay hakiyeen qorsheynta magaalooyinka dalka marka laga reebo afar magaalo oo kala ah, Togwajaale, Gabiley, Laascaanood iyo Ceerigaabo, isla markaana ay joojiyeen fiditaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna intaas ku daray in aan dhismayaasha la dhaafin karin halka ay hadda marayaan.

 

Wasiirka hawlaha guud ayaa sheegay in dhammaan qorsheynta Beeraha ee Hargeysa la joojiyo ilaa laga sameynayo qorshaha guud ee loo yaqaano Master Plan, si deg-deg ahna loo diyaariyo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaas guud ee caasimadda lana dhaystiro wixii ka dhiman, iyada oo guddidaasi ay fartay wasaaradda hawlaha guud in ay soo dhamaystirto xeerka iyo siyaasada lagu maamulayo dhulka.

Guddida ayaa amartay maayarada magaalooyinka dalka in ay soo gudbiyaan dhulkii danta guud ahaa ee ay hore u qorsheeyeen dhammaana go’aamadii hore ee guddidaas ka soo baxay ay yihiin sidoodii hore

 

Leave a Reply