Somaliland: Ardayda Saboolka ah oo Helaya Deeq Waxbarasho

0
645

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in sannadka ay deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha dalka la siinayo ardayda Saboolka ah iyo kuwa deegaanadooda aanay ka jirin Jaamacado.

 

Agaasimaha guud ee tacliinta sare, Axmed Muuse Muruud ayaa Maanta Warbaahinta dawladda u sheegay in jaamacadaha dalku ay sannadkii hore balan qaaden in deeqaha waxbarasho ay siinayaan ardayda saboolka ah .

 

“Wasaaradda waxbarashadu waxa ay faraysaa jaamacadaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay siiyan deeqo waxbarasho ardayda Saboolka ah ee kasoo sannad dugsiyeedka 2019.2020. sidii aad bihii August xafiiska wasiirka hortiisa uga balan qaadeen” ayuu yidhi

 

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)  ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu iska xil saartay inay deeq waxbarsho oo dugsi sare ilaa Jaamacad ah inay helaan ardayda saboolka ahi. Waxaanu Jaamacadaha u soo jeediyey  inay ardayda danyarta ah siiyaan fursado waxbarsho oo lacag la’aan ah.

 

Leave a Reply