Nuxurka Kulan dhexmaray Safiirka midowga Yurub iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
580

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare , Aadan X. Cali Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midowga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez iyo wafti uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid xarunta Maxkamadda Sare .

 

Safiirka ayaa xusay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Somaliland gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku bogaadiyay horumarka la taaban karo ee muddooyinkii u danbeeyay garsoorka qaranku ku talaabsaday iyo dedaalka loogu jiro in si wax-tar leh loo fidiyo adeega cadaaladdeed ee ay bulshada u hayaan.

 

Leave a Reply