Firkirka Iyo Ficilada Dadku Way Kala Duwan Yihiin!

0
391

Mr. Jones waxa uu ku jiray maalmihiisa fasax ah, isagoo doonayay inuu dalxiisu ku  tago deegaanada quruxda badan.

Markii uu tareenka raacay waxa uu xidhnaa dharkiisa ugu quruxda badan, isagoo qaatay boorso dharkiisu ugu jiro.Waxaana u tegay goobta tareenka laga raaco, madaxna waxa u gashaday koofiyadiisa uu aad u jeclaa ee quruxda badnayd.qoorta ayuu daaqa kala baxayay isagoo daawanaya dhulka quruxda badan ee uu buux dhaafiyay dooga ku baxay barwaaqo roobaadka joogtada ah.

Isagoo ku jira daymada deegaanadaasi waxa dabayshu ka qaaday koofiyadii uu jeclaa.  Aad ayuu u naxay oo ku qayliyay “ Koofiyadaydii” Dadkii ayaa mar keliya ku soo wada jeestay iyagoo la calaacalaya, laakiin Mr.Jones ayaa go’aan dhakhso ah gaadhay.

Jones waxa uu daaqadii Tareenka ka tuuray boorsadii uu sitay isagoo doonayay inay ku dhacdo meel u dhow Koofiyadda.  Dadkii ayaa ku qoslay oo la yaabay ficilka u sameeya iyagoo ku yidhi :” Boorsada ayaa kaaga qaalisane , maxaad u tuurtay ma iyadaa ku soo celinaysa Koofiyadda?!

 

Jones ayaa ku jawaabay “Maya”, laakiin ma jiro magac iyo cinwaan koofiyadayda ku qoran, boorsadana waxa ku yaala magac iyo cinwaankayga. Qofka helaa marka uu akhriyo cinwaankan waxa uu iisoo diraya labadoodaba.  Fikirka iyo Ficilada dadku aad  ayay u kala duwan yihiin markii ay arrimuhu dhacaan.

 

 

Leave a Reply