Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee dalka Maraykanka Ibraahim AwAadan Qooboy ayaa Shalay dalka soo gaadhay.
Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiga Waddani iyo Taageeerayaasha Xisbiga Waddani ayaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International ee Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka Ibraahim Aw Aadan Qooboy ayaa uga Mahadnaqay Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee soo dhaweeyay.waxaanu yidhi”Waxaan u mahadnaqayaa Haweenka Xsibiga heer Qaran iyo heer Gobol, gudida Gobolka Maroodijeex waxaana sharaf wayn ii ah sidaa aad isoo dhawayseen waxaanan idiika Mahadcelinayaa sida aad iisoo dhawayseen,Wadanka Shansano ayaan ka maqnaa warna iguma seegana waxaana inaga dhaxeeya waa Wadanka iyo Mustaqbalkiisa waxaanan is waraysan doonaa Hogaanka Xisbiga Waddani iyo Madaxdiisa”.
Sidoo kale Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani Yuusuf Nuux Tadhase oo isguna hadal ka jeediyay soo dhawayntan ayaa sheegay in uu ku ammaanay sida uu soo dhisay Laamihii Xisbiga Waddani Dalka Maraykanka.waxaanu yidhi”Waxa aanu soo dhawaynaynaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka,waxaanan kaaga Mahad celinaynaa sida aad usoo dhistay laamihii Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka,waanan is waraysan doonaa waxaana aanu ku leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo,”.