Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Shaaciyey

0
642
Hargeysa-(Dawan)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u baahiyey Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo baxay Shirweynihii 4aad ee Xisbiga, kadib markii hubin iyo xaqiijin lagu sameeyey liiskii hore loo baahiyey.
Liiskan oo ka kooban xubnaha Golaha Dhexe ee ka yimaada Gobollada dalka, maayarrada iyo xildhibaannada xilka iyo doorashada kaga mid noqday Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa rasmi ah u saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).

Leave a Reply