Kulan Dhexmaray Beesha Caalamka iyo Xisbiyada Qaranka

0
509

Hargeysa-(Dawan)-Hoggaanka Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaasi oo ay si qoto dheer ugaga wada hadleen hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo sidii loo dardar gelin lahaa tabaabushahooda.

 

Kulankan ayaa sida oo kale lagu darsay sidii haweenka iyo dhallinyarada looga qayb gelin lahaa siyaasadda ugana qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda. Sida oo kale waxa lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda siyaasadeed ee beelaha la hayb sooco.

 

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in kulan ay la qaateen Wafti ballaadhan oo ka socda Beesha Caalamka oo ay metelayeen Wakiilo ka socda Safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midowga Yurub, Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa iyo Xubno kale.

 

 

“Waxaanu kulankan si qoto dheer ugu lafo-gurnay Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada iyo sidii loo dardargelin lahaa. Waxa kale oo aanu kaga arrinsannay sidii Dhallinyarada iyo Haweenka looga qaybgelin lahaa Doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda Siyaasadda ee Beelaha la hayb sooco.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

Leave a Reply