Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Berri Furmaya

0
486

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in shirwaynihii afraad ee xisbiga Kulmiye ay ka soo baxaday in muddo bil gudaheed ah uu ku qabsoomo shirawaynaha golaha dhexe iyada oo shirkaasina maalinta berito ah ka furmi doono hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxaa uu sheegay in shirkan aanay ka soo qayb gelaynin wax ergooyina balse loo bahanyahay xubnaha golaha dhexe oo kaliya kuwaas oo ku soo baxay liiskii golaha dhexe ee laga soo saaray shirwaynihii afraad ee xisbiga dhawaan uga qabsoomay magaaladda Hargeysa.

Xubnaha golaha dhexe ayaa guddoomiyuhu ku wargeliyay in ciddii aan qaadan kaadhka ay kaga qayb gelayaan shirka ay u soo doontaan xarunta dhexe ee Xisbiga oo ay kaadh qaadashadu ka socon doonto ilaa iyo caawa

Leave a Reply