Xukuumadda oo Bayaamisay in Hay’adaha Qaramada Midoobay Aanay Dalka Ka Fulin Karin Mashruuc loogu Talo-galay Somalia

0
514

“Diyaar uma nihin in barnaamijkaasi Somaliland ka fulo wax khuseeyana maaha” Wasiir Gaafaadhi

Hargeysa (Dawan) Xumuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Wareegto lagu hakinayay hawlaha Hay’adaha Qaramada Miboobay ee dajinta Mashaariicaha dalka laga fulinayo Sannadka 2021ka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Maxamed Cali Xasan Gaafaadhi oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aan Somaliland laga fulin-doonin Barnaamij loogu talo galay dalka Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in aanay qaddiyadda Somaliland siisan doonin Shilimaad.

Maxamed Cali Xasan Gaafaadh oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Warqadani waxa ay khusaysaa Hay’addaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha oo dhan maaha ee waxay khusaysaa hay’addaha qaramada midoobsay. UN-ku waxa ay soo saareen Barnaamij Shan sannadood ah oo bilaabmi doona bisha January ee Sannadka 2021-ka, waana Barnaamij loogu talo-galay Soomaaliya. meel allaale meel ay Somaliland Kaga jirtaa ma jirto, qorshaheeda Horumarineed Somaliland meel uu kaga jiraa ma jirto, waxaana uu ku Salaysanyahay Qorshaha Horumarinta ee Soomaaliya, waxaana loogu talo galay in Somaliland laga fuliyo, waana aanu hakinay illaa inta laga Wada-hadlayo, diyaarna uma nihin in Barnaamijkaasi Somaliland ka fulo, wax Khuseeyana maaha, wixii ka horreeyayna waa soconayaan”.

Sidoo kale Xasan Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in ay soo saareen qaabka ay u wada shaqaynayaan Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. waxaana uu yidhi “Waxa kale oo aanu soo saarnay warqad taabanaysa qaabka Somaliland iyo Hay’aduhu u wada shaqaynayaan oo Bishii 8aad aanu soo saarnay. Waxyaabaha ku jira waxa ka mida in maamka Somaliland uu yahay Maamkii 1960-kii markii Xornimada Somaliland ka qaadatay Ingiriiska, Xuduudaheeduna cad yihiin, waxa kale oo ku cad Gobalada iyo Degmooyinka Somaliland iyo Mashaariicaha sida loo fulinayo waxaana la isticmaali doonan Magaca Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waa jiraysaa, horana way u jirtay umana bakhtiyayso, kumay noolayn UN-ku waxa ay bixiyaan. waan bakhtiyayaa looma Bahalo cuno, waxaana halkaa lagu soo gaadhay isku tashigii Qaranka Somaliland, cid kastaaba wax haku qabtee danta guud ee Qaranka ayaa la eegayaa Qadiyadeena ma siisanayno Shilimaad”.

Leave a Reply