Midawga Yurub oo Kulan la Qaatay Wasiir Hinda Gaani

0
435

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda  Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani  oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi  iyo masuuliyiin kale oo Wasaaraddaas ka tirsan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay xubno ka socda ururka Midawga Yurub.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaqa ay haweenka Somaliland u lee yihiin ka qayb qaadashada doorashooyinka Somaliland ka dhici doona iyo sidii looga taageero lahaa dhinaca dhaqaalaha dumarka hanka siyaasadeed leh ee reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta , Arrimaha Bulshadda iyo qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo warbaahinta la hadashay markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa ka warbixiyey kulankan iyo waxyaalihii ay waftigaasi ka wada hadleen, waxaanay tilmaantay wasiir Hinda  in waftigani ay su’aalo ka weydiiyeen qaabka ay haweenku uga mid noqon karaan Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Goleyaasha degaanka.

Wasiir Hinda waxa ay sheegtay in ay uga warbixisay dedaalka iyo waqtiga uu geliyey madaxweynaha Somaliland sidii ay uga mid noqon lahaayeen  haweenka reer Somaliland goleyaasha Qaranka, sidoo kalena waxay intaas ku dartay Wasiir Hinda in ay waftigan u sheegeen in ay dumarka reer Somaliland ee hanka siyaasadeed lihi ay u baahan yihiin sidii looga taageeri lahaa dhinacyadda dhaqaalaha iyo tabobaradda.

Leave a Reply