Dhalashada Nabi Maxamed (NNKH) Oo Si Weyn Looga Xusay Somaliland.

0
1464

Hargeysa-(Dawan)-Xuska dhalashada nabigeenii Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo klorkiisa ha ahaatee ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil ee magaalada Berbera oo ku beegnayd xalay oo ay bisha Rabiicul Awal ahayd 12.

culimada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka ogey qasaa’idka iyo ammaanta nabi Maxamed masaajidada iyo goobo kale oo ku yaala magaalada Berbera.

Waxayna culimadu ka sheekeeyeen taariikhdii nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna xuseen in munaasibadda xuska dhalashada nabigu tahay maalin aad ugu weyn muslimiinta guud ahaan, iyaga oo ummada muslimiinta ahna ku hambalyeeyey xuska dhalashada nabiga.

Sidoo kale, munaasibadda lagu weynaynayey dhalashada nabigeenii Maxamed caleyhi afdalu salaatu wa salaame ayaa lagu qabtay goobo kala duwan oo dalka ah, iyada oo guud ahaan shaqooyinka fasax laga yahay xuska dhalashada nabiga awgeed.

Leave a Reply