Xulka Gobolka Sanaag oo 2 Gool iyo 1 Ku Caraabiyey Xulka Gobolka Saaxil

0
1317

Hargeysa-(Dawan)-=Xulka Gobolka Sanaag ayaa 2 Gool iyo Hal kaga badiyey Xulka Gobolka Saaxil kadib markii ay galabta isku haleeleen Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland ee Ka socda Garoonka Hargaysa Studium.

Ciyaartan oo ahayd Mid xamaasadeedu saraysay ayaa labada Xulba waxay soo bandhigeen hannaan ciyaareed hufan kuna dhisan Weerar iyo Weerar Celis.

Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay Hal gool oo uu Gobolka Sanaag u saxeexay Ciyaartoyga lagu magacaabo Shulaac.

Markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee Ciyaarta ayaa Labada Xul waxay la gole yimaadeen qaab ciyaareed farsamadiisu sarayso. Hasa Yeeshee Kubad si fiican looga soo Shaqeeyay ayaa Ciyaartoyga Xulka Gobolka Sanaag u sita Nombarka 11 uu ku hubsaday Goolka Gobolka Saaxil .

Xulka Gobolka Saaxil ayaa qaybtii labaad ee Ciyaarta waxaa Kaadhka Cas ka qaatay mid ka mid ah Ciyaartoygooda.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Saaxil Waxay la yimaadeen Goolkoodii Madiga ahaa oo uu u Saxeexay Ciyaar-yahanka lagu magacaabo Cabdicasiis Boqorka waxayna Ciyaartu ku soo dhamaatay 2 Gool iyo 1 ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Sanaag.

Tartanka Ciyaaraha goboladda Somaliland oo gelaya Maalintiisii Sadexaad waxaa Beri oo Jimce ah wada Ciyaari doona Gobolada Awdal iyo Badhan oo ku wada Jira Group C iyo Gebilay iyo Sool oo ku wada Jira Group D.

Halkan ka Daalaco isku aadka Ciyaaraha Goboladda Somaliland

Leave a Reply