Dallada Qurbo-joogga Somailand ee Netherlnad oo Taageeray go’aanka Xukuumaddu ku hakisay wada-shaqaynta Hay’addaha QM

0
599

“Ummadda Somaliland waa qawmiyad iyo qaran aan la sandulleyn Karin, laguna dagi Karin sandareero”Warsaxaafaddeed Dallada SSNL

Qore. Saleeban Kalshaale

Oslo(Dawan)-Dalladda ay ku midaysan yihiin Bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka Netherlnads (Holland), ayaa Xukuumadda JSL ku taageeray go’aanka lagu hakiyey wada-shaqaynta Hay’addaha Qaramada midoobay, talaabadaasoo ay kaga hortegayso Xukuumaddu heshiis lagu fulinayo qorsheyaal lid ku ah madaxbanaanida Somaliland oo ay wada galeen Xafiiska ergayga Qaramada midoobay iyo Maamulka Soomaaliya.

Dalladan oo magaceeda loo soo gaabiyo (SSNL) (Somaliland Society in the Netherlnads), ayaa sheegay in go’aanka xukuumaddu ka turjumayo difaaca madaxbanaanida qaranimada JSL iyo ka hortagga isku-day kasta oo lagu minjo-xaabinayo qadiyada 30-sanno jirsatay ee dalka.

Sidaasina, waxa lagu sheegay warsxaafaddeed uu soo saaray guddida fulinta ee SSNL, kaasoo nuqul kamida Salaasada maanta soo gaadhay Wargeyska Dawan, una dhignaa sidan:

“Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland go’aanka geesinimada leh ee ku wajahan heshiiska liidnimada ah ee Somaliya iyo UN-ka, kaas oo ay Somaliland ganafka ku dhufatay kuna joojisay wada-shaqeyntii xafiiska hay’addaa ee ka hawlgala Somaliland iyo tallaabooyinka laga qaaday mashaariicdii UN-ku ka wadeeen gudaha Dalka.
Mawqifka xukuumaddu waa mid lagu xaqiijinayo Madaxbannaanida Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo inay tahay dal gooni u taagan oo taladiisa aan cidna u daba fadhiisanayn cidna aan marti uga noqonayn.
Waa tallaabo ku dhac leh oo kor u qaadday karaamada iyo sharafta qaranimada iyo haybadda dawladnimo. Waxayn ka turjumaysaa dhaqanka Somaliland ee keena-diidka ah, oo aan marna aqbali Karin bahdil, da’la’si iyo liidnimo.
Qaraarkani wuxu markhaati u yahay muqaddasnimada Somaliland iyo in aan marnaba, sinaba gorgortan u geli Karin qaranimada jamhuuriyaddan barakaysan.
Bayaanka xukuumadu soo saartay wuxu cashar u yaha y una quus gooynayaa dadkii soo malmalluuqay Qorsha-ku-sheegga Somaliya iyo ergayga UN-ka ku heshiiyeen, kuwaas oo ah dad xogmoogayayaal ah oo aan dhugmo u lahayn sooyaalka taariikheed ee dadka iyo dalka Somaliland.
Ummadda Somaliland waa qawmiyad iyo qaran aan la sandulleyn Karin laguna dagi Karin sandareero. Waa ummad qab leh oo quudhsi diid ah oo aan sinaba loo muquunin Karin”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedka uu soo saaray Guddida Fulinta ee Somaliland Society in the Netherlands (SSNL).

Madaxweynaha JSL, Muuse Biixi Cabdi oo intii go’aanka xukuumaddu soo baxay ka hadlay arrintaasi, ayaa ugu baaqay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa in ay ku soo noqoto xayndaabka dhexdhexaadnimada, kana soo laabato fal-galka siyaasaddeed ee ay Dawladda Soomaaliya la yeellatay.
Geesta kale, baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Ururro WADDANI ah iyo qaybo kale oo kamida bulshada Somaliland ayaa lagu taageeray talaabada Xukuumadda Somaliland ka qaaday wada-shaqayntii ka dhaxaysay Hay’addaha Qaramada midoobay, kaddib markii Xafiiskooda Muqdisho uu heshiis meel-ka-dhac ku ah mabaadi’da QM uu la galay Maamulka Soomaaliya.

Leave a Reply