Xaysimo ka Adkaatay Sanaag iyo Daad-madheedh oo Barbaro la gashay Saaxil

0
704

Hargeysa-(Dawan)-Xulka Gobolka Xaysimo ayaa 3 Gool iyo 2 kaga badiyey xulka Gobolka Sanaag oo ay ku wada jiraan Guruub C, kadib markii ciyaar aad u kulul ay galabta  iskaga horyimaadeen tartanka ciyaaraha gobollada ee ka socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa.

Ciyaartaas oo aad u xamaasad badnayd waxa qaybtii hore lagu kala nastay barbar dhac hal gool iyo hal gool ah.

Qaybtii labaad ee ciyaartaas oo labada xulba wax ka beddeleen qaab ciyaareedkoodii, waxa gobolka Sanaag la yimaadeen laba gool oo kale, halka xulka gobolka Sanaagna qaybtii labaad ay keensadeen goolkii labaad, sidaasna waxa ciyaaraasi ku dhammaatay  3 gool iyo  2 gool oo guushu ku raacday xulka Gobolka Xaysimo.

Sidoo kale waxa ciyaar aad u adag iskaga horyimid xulalka gobollada Daad-madheedh iyo Saaxil, kuwaasi oo ku kala baxay barbar-dhac 2 gool iyo laba gool ah.

Leave a Reply