Farduus Hamashool oo ballan qaad u Samaysay Ciyaarahannada gobollada Somaliland

0
590

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga Mucaaradka Waddani ee Qaarada Yurub Farduus Cismaan Hamashool ayaa sheegtay in Ciyaaraha Goballada Somaliland ee ka socda Garoonka Hargeysa Stadium lagaga Badbaadi karo Qabyaalada.
waxanay ay u soo jeedisay Masuuliyiinya Xukuumadda in aanay ku dhex milmin Ciyaaraha Goballada dalka, isla markaana aanay kala taageerin goballada ciyaaraya.

“Ciyaaruhu waa waxa kaliya ee lagaga badbaadi karo taforaaruqa qabyaalada iyo kala taga waxaana aan hambalyaynayaa ciyaaraha goballada Somaliland ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium,Masuuliyiintu waa in aanay ku dhex milmin goballada oo aanay kala Jeclaysan oo si Qaran usoo dhaweeyaan Ciyaartoyga waana in Dhiirigalin la siiyo Ciyaartoyga,” ayey tidhi

Farduus Cismaan Hamashool  waxa ay Sheegtay in rajaynayso in si nabedgalyo uu ku soo dhammaan doono “Waxaan aan rajaynayaa in tartanka ciyaaraha goballada inoogu soo dhammaado guul iyo Nabedgalyo iyo inago gacmaha ishaysana,waxa aan balanqaaday in aan siin doono abaal marin ay ku farxaan labo Ciyaartoy oo ka mida Ciyaartoyga Ciyaaraha goballada ka qayb galaya,”

 

Leave a Reply