Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Ganaaxday Siddeed Ciyaartoy

0
491

Hargeysa-(Dawan)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ganaax kusoo rogtay sideed Ciyaaryahan oo ka tirsanaa xulka gobolka Saraar kuwaasi oo sheegay in ay iska casileen xulka gobolkooda .

 

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyara iyo Ciyaaraha , Maxamed Nuux Jibriil ayaa sheegay in sideeda ciyaaryahan ay ku ganaaxeen in muddo Saddex sanno ah aanay ka ciyaarin  tartanka Ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

“guddida anshaxmarinta iyo dacwadaha ayaa soosaaray in sideed ciyaaryahan oo ka tirsan gobolka Saraar kuwaasi oo warbaahinta ka hor sheegay in ay xulkooda iska casileen aanay tartannada Ciyaaraha Somaliland ka qayb geli karin muddo saddex Sanno ah” ayuu yidhi

 

 

 

 

Leave a Reply