Wasiirka Maaliyadda oo furay adeegyo Cusub oo lagu Kordhiyey Madaarka Cigaal

0
587

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Taliyaha Laanta-Socdaalka Sarreeye Guuto: Maxamed Cismaan Caalin, iyo Maareeyaha Hay’ada Madaarada Cabdi Maxamed Rodol ayaa si wada jira xadhiga uga jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey Kastamka iyo guud ahaan Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Cigaal. 

Adeegyada cusub oo ay ka mid yihiin dhismaha 18 xafiis oo ay adeegsan doonaan Ciidamada Laanta-Socdaalka iyo hawl-wadeenada Kastamka Madaarku, dhismaha qaybta kaydka dhokumentiyada, dayactir lagu sameeyey mid kamida bakhaarada lagu kaydiyo badeecaddaha iyo xafiiska khasnada, waxa lagu rakibay qalabka dabka lagaga hortago qaybaha dhoofka iyo halka laga soo dego, bakhaarada lagu keydiyo badeecaddaha, qaybaha laanta-socdaalka iyo dhawrista-tayada.  

Waxa sidoo kale, ka mid ah waxyaabaha lagu soo kordhiyey Gegida Dayuuradaha Cigaal, dabgalin koronto oo leh awood laysku halayn karo taas oo dab sugan siin doonta aaladaha wax lagu baadho iyo qayboojiyayaasha lagu keydiyo daawooyinka, cutooyinka, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee dareeraha ah.  

Waxa wax weyn laga qabtay agabka fududeynta adeeg-bxinta Kastamka sida; mishiinada fudud ee lagu qaado badeecadaha kala duwan, aaladaha lagu kor-joogteeyo alaabooyinka ku keydsan bakhaarka. 

Wasiir-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mr Muuse Ibraahim Yuusuf oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu hirgeliyey tahay cashuurtii dadka laga qaaday, balse aanay ahayn deeq dibeda ka timi. 

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda, Laanta Socdaalka iyo Hay’adda Madaarka, waxaanu uga mahadceliyey qof walba waxii dedaal iyo ficil uu ku biiriyey. Ujeedada mashruuca ayuu ku sheegay inay tahay qurxinta qoobaha adeegyada dadka aynu ku martigelino  

Gebagebadii, adeegyadan cusub ayaa wax badan ka bedeli doona hanaanka adeeg-bixinta Kastamka ee dhoofinta, soo dejinta, maaraynta badeecaddaha, shaqada iyo shaqaalaha, iyo daryeelka macmiilka.

Leave a Reply