Wasiirka Gaadiidka oo Faahfaahiyey Go’aankii Xukuumadda ee Baabuurta

0
366

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay u joojiyeen gaadiidka Vitz-ta ay ugu weyn tahay dhinaca Ammaanka iyo weliba shilalkooda oo badan.

Wasiirka Abokor, Wuxu intaas ku daray in aan weli si rasmiya loo joojin ee la siin doono muddo si kuwa Maraakiibta soo saaran u soo gaadhaan dalka.

Wasiirku, waxa kale oo uu sheegay in gaadiidka hadda dalka ku sugan aanu saamayn ku yeelan doonin go’aanka isteeranka (shokaanta) lagaga bedelayo Gaadiidka Somaliland.

Leave a Reply