Guddida Doorashooyinka oo tababar u furay madax-gobeedyada Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha

0
462

Qore.Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Xafiiska guddidu, ayaa Salaasada maanta tababar socon doona saddex maalmood oo la xidhiidha howlaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha uga furay Magaalada Hargeysa Guddoomiyeyaasha goobaha lagu qabanayo Diwaan-gelinta ee gobolada iyo Degmooyinka Dalka.
Tababarkan oo muddada uu socdo ka qayb-galeyaashu ku qaadan doonaan culuum ku taxaluqa hannaanka Maamulka, hagida howsha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, ayaa waxa loo qabtay 181 xubnood oo noqon doona guddoomiyeyaasha goobaha Diwaan-gelinta lagu qabanayo ee ku yaalla lixda gobol Doorasho iyo degmooyinka dalka oo dhan.
Madaxa tababarrada Xafiiska guddida Doorashooyinka Cabdisamad Xasan oo ugu furitaankii tababarkan ka hadlay, ayaa kula dardaarmay ka qaybgaleyaasha in duruusta ay ku qaadan doonaan aqoon-korodhsigan ay ku dabaqaan masuuliyada iyo shaqada ay qaban doonaan.
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Md. Cabdirashiid Jaamac Riyo-raac oo gebgebadii furitaanka tababarka hadal ka jeediyey, ayaa xubnaha ka qaybgaleyaasha ku booriyey inay ka faa’idaystaan culuumta la barayo, una soo bandhigaan macalimiinta aqoontooda si markaasi wixii dhiman loogu kordhiyo.
Guddoomiyaha ayaa howl-wadeennada u hoga-tusaalleeyey miisaanka masuuliyada culus ee ay qaranka u qabanayaan oo uu ku tilmaamay mid ka culus shaqaalenimo ” waxaad qalbiga ku haynaysaan masuuliyad aad u weynbaad qaadaysaan, komishanka uma shaqaynaysaan, cid kalena uma shaqaynaysaane Qarankiina ayaad u shaqaynaysaan, dadkiinaa u shaqaynaysaan. Doorasho in ay qabsoonto ayeynu ka shaqaynaynaa”
Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray isagoo la sii dardaarmaya saraakiishan tababarka loo qabtay “muddo koobanbay howshu soconaysaa, muddadaa kooban waxa la idiinka baahan yahay in aydaan nasan, caajisin, oo aydaan howsha ka fadhiisan, waanan rajjeynayaa in aad tihiin dhalinyaro ka soo bixi kara”ayuu raaciyey.
Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo bilihii u dambeeyey ku howlanaa dardargelinta iyo diyaarinta howlaha Doorashada soo fool leh ee Wakiillada iyo Deegaamada, ayaa todobaadkan shaaciyey jadwalka Diwaan-gelinta ku-celiska ah ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka, taasoo bilaabmaysa 29/11/2020.
Sidaasi darteed Saraakiishan tababarka loo furay, ayaa qayb ka ah shaqaalaha fulinaya Diwaan-gelintaasi qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu hirgeliyo.

Leave a Reply