Hargeysa: Wasiir Qiray in Somaliland Tahay Waddanka ugu Korontada Qaalisan Dunida

0
448

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta , Jaamac Maxmuud Cigaal ayaa qiray in Somaliland ay tahay waddanka ugu qaalisa koronta ama laydhka ee dunida oo dhan.

 

Wasiirka oo ka hadlaayey Mashruuc maalgelin lagu samaynaayo shirkaddaha ka shaqeeya Tamarta qoraxda si loo helo tamar jaban oo laga dhalliyo Cadceeda ayaa sheegay in ay sabab u tahay Korontada qaaliga ah naaftada oo hadda laga dhalliyo laydhka ,”waynu ugu qaalisan dunida Korontada , waxaana sabab u ah inta badan Qaabka iyo walaxda laga dhaliyo oo ah waxa ugu qaalisan ee koronto laga dhalliyo, ma jirno waddan dunida maanta ku tiirsan naaftada inaga mooye”

 

Jaamac Maxmuud Cigaal  aya sida oo kale sheegay in korontada qaaliga ay sabab u tahay qaabka dabka lagu qaybiyo magaalooyinka waxana uu yidhi “naaftada caadiga ah ee aynu baabuurta ku shubano ayaa waddanka laga dhalliya Korontada taasi oo qiimo qaali ah ku timaada, waxa kale oo qayb weyn ka ah qaabka uu u dhisan yahay qaybinta dabku oo ah qaab aan habaysnayn ama aan ahayn qaabkii magaalo laydh loo gelin lahaa”

 

Somaliland ayaa kaalmaha hore kaga jirta waddamada ugu korontada qaalisan dunida xilli ay shirkaddaha qaar isticmaalan tamarta cadceeda laga dhalliyo

 

Leave a Reply