Duuliye Axmed Dheere waa Mabda’a lagu hirto, iyo maqaam sare oo la Gaadhi karo

0
1750
Duuliye Axmed Dheere, muxuu ku habboon yahay, oo uu geyaa in lagu magacaabo, muxuuse u taagan yahay oo u ah qaddiyad uu ku dhaato. Inta aanan u-gelin qaddiyada Duuliye Axmed Dheere u taagan yahay, waxaan ka horraysiinaya mid yar oo hor-dhac ah: Maxamuud Amiin Al-Caalam oo ahaa aqoonyahan Masar u dhashay laakiin ka ballaadaan, ayaa Buug uu qory wuxuu halbeeg-uga dhigay; “Qofku waa mawqif”, “Person is a Stand, and nothing without a Cause”. Taas oo u dhiganta; qofku waa qaddiyad, taas oo u sii dhiganta qofku haddaanu qaddiyad lahayn kuma bannaana magaca Aadamnimada. Duuliye Axmed dheere iyo Siyad Barre waa laba qof oo Somaliyeed, laakiin kee ba ku bannaan Somalinimada Islaamnimada iyo Adaminimada?. Waydiintan waxaa si mug leh uga jawaabe soo yaalkii la soo maray oo u marag furayaa Duuliye Axmed Dheere, iyo dadkii ka gadoodey dulmigii lagu hayey dadka Somaliyeed. Oo tixhihii Hadraawi tilmaameen. Marku lahaa; Madfacyahow Gurxamaya Caku halaacdaadiyo Habar-wacashadade kor u qaad hinaasaha. Tixdani waxay ku aaddanaday Markii Berkadaha biyaha Mudug la duminayey. Raggayagii dagaalka la soo galay Siyad Barre ee dibedda uga goostay si dagaalka xoraynta iyo dimoqoraadiyad doonku u bilaabmo dan iyo mabad’a ba nagu qasbay ee ma ahayn dhayal iyo kursi doon toona. Mid kasata oo naga mid ahaa waxuu naftiisa iyo tan familigiisa ugu huray qaddiyad, mitaal ahaan, 5 Jenauary 1982, waxaa xadka Itoopia ka gudbay Adan Shiine, Axmed Dhagax, Muse Nadiif, Mohamed kahin, Adan Saleeban, oo naga sii horreeyey mudo hal bil ah. Haddii waqtigaa dalka ay ka suura geli lahayd in macaardad si nabada ugu shaqaysa isbeddel nabadeed dibeda uma aanaan baxneen, SNM, SSDF, USC iyo SPM midna dibedda kama samaysmeen, ee dalka gudihiisa ayaa mucaaradadu joogi lahayd. Waxaa loo dagalamayey in la soo dhacsado xuquuq maqan. Haddaba, markii dagaalka-dulmaha iyo dul-diiduhu marayey meel ba’an ayaa waxaa madaarka Hargeysa laga kiciyey aaladii dulmiga, dilka, duminta iyo xasuuqa. Saw dulmigu ma dhaadine aaladdan dulmuiga, duminta mid ka mid ah waxa ku dhex jiro naftii, damiirkii iyo dulmi diidihii Somalinimada, Islaamnimada, iyo kii Adadminimada, iyo wacyigii iftiinka iyo aragtida mustaqbalka Somalinimada dhabbta ah. Haddana maxaa dhacay? Waxa samaysmay waagii jirey mid ka duwan, waxa abuurantay xaaladii jirtey mid ka duwan oo hordhac u ah in wacyiga iyo garaadka u dagaallanka xuquuqda Aadamaha oo ah xaqqa Aadamuhu u leehyahay in uu noolaado. Duuliye Axmed Dheere Xaqqaas asaga ah ayaa waxuu ku shiday ilays wayn oo ifiyey duni dhan oo mugdi ahayd. Waxaase Weli wax laga xumaado ah in ila maanta Geyiga Somalida uu ka jiro mugdi baahsan oo qarinaya xuqquuqda dadka Somaliyeed, Waxan ka xusi kara una ballaadhan xaqqa Aayo-ka-tashiga dadka Somaliland oo ah mid calami ah oo dhamaan sharciyada caalamugu wada qirasan yihiin, Tan Dumarka iyo tan dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la takooro. Arrinka xuqquuqda nolosha, tan syiaasada, tan dhaqaalaha iyo kuwa kaleba sida, tdan dhawrista cilmilada adduunka oo ah maantan tan ugu halista badan oo haddii aan si deg-deg ah wax looga qababn noqonaysa mid nolosha dhulkan aynu ku noolaha dhaayn karta. Sidee loogu halgami karayaa, xaggayse laga bilabmi karaya waa suaalo taagan?.
Haddaba, joogitaanka Duuliye Axmed Dheere waxuu awood inoo siinya in mugdiga baahsan ee ku saabsan xuquuda Aadamaha ee ka jira geyiga Somalida in aynu ilays wayn ku sii daarro. Waxaase loo baahan yahay qaabka ay tahay in aynu wax-uga qabanu iyo dhinaca ay tahay in aynu u jihayno inta D. Axmed ina la joogo.
Xuquuqda Aadamahu waxay ka kooban tahay mabaad’i dhawr ah oon sina u kala go’i Karin, oo dhammaantood ka dhashay xaqa Adamuhu u leeyahay nolosha, iyo kuwa kale ee ku xidhan nolosha, sida xuquuqda siyaasadda, tan dhaqaalaha, tan milikiyada ama wax-lahaansha, xurruyad-qawlka iyo qoraalka IWM. Dagaalada loo soo galay xuquuqda Aadamaha oo leh soo-yaal dheer sidii loo soo dhacsan lahaa oo loo soo maray dagaalo badan waqtiyo kala duwan. Kuwaasoo lagu bixiyey dhiig qaali ah, maal iyo waqti badan. Dagaaladaasu waxay u kala qaybsanaayeen saddex nooc iyo saddex marxaladood. Laga soo bilaabo halgankii loo soo galay sidii Addoonsigii tooska ahaa oo qof adoonsanayey qof Aadame ah oo la mid ah, kaas oo qaatay muddo kumanaan sano ah sidii looga xoroobi lahaa. Waxaa ku xigey halgankii loo soo galay sidii gumaysiga noocyadiisa kala duwan looga xoroobo (Declonialization Struggal). Waxaa ku xigey Halgankii dheeraa ee dadka reer Africa la soo Galeen talisyadii Digtaatooriga ahaa; sida: Baydal Bukaasa, Mubuto, Iidi Amiin, Mangistu Hayle Maryam, iyo Maxamed Siyad Barre.
Intaas oo dagaalo ah waxaa nuxurkoodu ahaa in xuquuqda maqan la soo dhiciyo, waxayna ku suntanyihiin yihiin dagaalo xaq ah, halka dagaallada dhinaca kale ee keli talisyadu, sida kii Siyaad Barre ku xasuugayey dadka Somaliyeed, waxay ku suntanyihiin dagaalo xaq darro.
Haddaba, Duuliye Axmed Dheere markii uu go’aanka ku qaatay in uu naftiisa u huro una sadaqeeyo xuquuda Dumarkii, Caruurtii iyo waayeelkii lagu xasuuqayey halkan Hargeysa waxuu qaatay go’aan u hiilinaya mabda’a xuquuqda Aadamaha (Universal Human Rights’).
Waxaase qiimo gaara leh in aynu ileyska ku daarro dareenka ka turjumaya heerka koritaanka dadka Somalida in uu ka soo bixi karo Duuliye Axmed Dheere oo kale.
Arrinkaas ooy ka muuqaday go’aanka uu gaadhay iyo sida uu uga duwan yahay boqollaad ama kumanaan qof oo kale oo ka soo jeeda goblada Somalida kale.
Kuwaas oo xukunkii keli-taliska ahaa ku maran habaabiyey reernimo si uu xukunka u sii joogo. Ujeedada taliskii Siyad Barre waxay ahayd ‘Qaybi oo Xukun’. Go’aanka Duuliye Axmed Dheere qaatay waxuu tusayaa in uu yahay qof ka koray heerka caadiga ah ee qabiilka.
Haddaba, waxaa laga baran karaa tusaalaha uu dhigay Duuliye Axmed Dheere arrimahan soo socda:
I. In wax kasta oo Siyad Barre isku deyey in uu garaadka Somalinimada burburiyo oo ku beddelo mid reernimo asaga ugu hiiliya in haddana ay jiraan Somalinimo weli nooli.
II. In dadka Somalida dhexdooda ay jiraan dad u taagan Somalinimada, iyo wanaagga, Dimoqoraadiyada, iyo Xuquuqda Adamaha
III. In sidaas darteed loo baahan yahay in Somaliland, dawlad ahaan, dadweyne ahaan, iyo warbaahin ahaan, si wayn u caddayno in dadweynaha Somalida iyo kooxaha siyasaddu noo kala duwn yihiin. Dadweynaha Somaliyeedna aanu wada denbiile ahayn, ee cidda denbiilaha ahi ay yihiin cidda weli difaacaysa taliskii Xasuuqa iyo burburinta xadaaradii ka dhisnay Somaliland, dad iyo duuyoba dhulka la simay.
IV. In maanta laga bilaabo Duuliye Axmed dheere loo aqoonsado halyeyga Xuquuqda dhammaan Aadamaha Aduunka.
V. In Magaciisa aynu, haddaynu nahay bulshada Radyidka Somaliland ku dhisno Ha’yda Xuquuqda Aadamaha oo Caalamiga Duuliye Axmed dheere
W/Q:Aadam Muuse Jibriil

Adamjibril47@gmail.com

Leave a Reply