DNA-Gu Been Ma Sheega? Mushkuladii DNA-gu Abuuray!

0
469

Arinkay ayaa ah Sharaxaad iyo in si fudud daaha looga rogay aqoonta iyo ogaansha “ Chimera” , runti hooyada Lydia gebi ahaanba ma ahayn hooyada carruurta, waa run inay iyadu dhashay, laakiin sidoo kale waa carruurta ay dhashay walaasheed mataanta iyada la ahayd, ee ay Lydia liqday markii ay kuwad jireen uurka hooyadooda! Iyadoo la raacayo nidaamkaas, Lydia sidoo kale waxa ay u noqonaysaa habaryar caruurta ay dhasho..!! Cajiib , weli way adag tahay in la rumaysto!

Haa.. waa sidee xaalkan, waa maxay khiyaamadani … sidee hooyadood iyo habaryartood  isku mar u noqon karaa gabadh keliya?

Meeday hoyadooda asalka ahi? Ma waxa ay ku nooshahay jidhka Lydia?! Haa, rumayso ama ha rumaysan, taasi waa runta, adiguna waxaa laga yaabaa inaad sido kale qaybo ka mida ahayd jidhka walaalka ama walaasha oo aad aanad ogayn ..

Waa maxay Chimera iyo sababta ay u dhacdo? Chimera  waa qof ama xayawaan xambaarsan labo nooc oo unugyo ah ama DNA ah oo jidhkiisa ku jira, xaaladaan waxay dhacdaa markii mataanuhu wali kuwada jiraan uurka hooyada, halkaas oo ay ka dhacdo in mid ka mid ah mataanaha uu liqo mataankiisa kale isagoo qaadanaya unugyadiisa iyadoo wax dhibaato ah ama astaamo ah u keenin hooyada isla markaana aanay dareemin, ma dareemeyso Xaaladdan oo kale, dhacdadan waxaa loo yaqaannaa “Vanishing Twin Syndrome” baab’ida mataanuhu waa xaalad dhici karta inta ay uurka ku jiraan, markii ugu horreysayna waxa  la ogaaday sandkii..

Waxaa xusid mudan in xaaladdani aanay u dhicin si caadi ah, maadaama uurjiifka la liqay ama la nuugay aanay unugyadiisa inta badan caadi ahayn ee uu naafo ahaa, halka uurjiifka kale uu ku jiro caafimaad aad u fiican, xaalada waxaa qeyb ahaan sharxi kara aragtida dabiiciga, taas oo ah, badbaadada qofka ugu fiican.

Mudooyinka danbe ee aaladaha ultrasound ee uurka jiifka lagu ogaado, waxa ay arintani noqotay mid caadi ah, tusaale ahaan, joogitaanka labo uurjiif ah oo caloosha kujirta ayaa la ogaadaa marka la sameynayo baadhitaanka todobaadyada hore hooyada, laakiin markii hooyadu ku laabato wakhtiga xiga, waxa mararka qaarkood dhacda in kaliya hal uurjiif ayaa soo muuqata, taasi oo tilmaamaysa Mataan baaba’aday inay jirto.

Badanaa xaaladani ma keento dhibaatooyin mana dareento oo ma ogaato hooyadu jiritaankeeda. laakiin mararka qaarkood xaaladdu waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad, sida ku dhacday qof dhiig-bixiyey oo markii lagu shubay qof la dhiig ah aanu qofkaasi lagu shubay ka jawaabin, iyadoo taasi ay marka danbe dhakhtaradu ogaadaan in dhiig bixiyuhu uu leeyahay laba nooc oo dhiig oo kala duwan.

Tusaale ahaan sanadkii 1950 , gabadh metelaysay kuna ciyaaraysa magaca dalka Denmark  ciyaarihii olombiga ee sanadkaasi la qabtay aadna xariifad u ahayd ayaa baadhitaan lagu sameeyay markii awoodeeda cajiib noqotay , waxaa lagu ogaaday in unugyadeedu ay ka kooban yihiin kuwa ragga iyo dumarkaba, waagaasi ma jirin horumarka cilmiga  ahi waxaana ay noqotay arin aan la fahmin, sida awgeed waxa laga mamnuucay gebi ahaanba inay ka qayb qaadato ciyaaraha, iyadoo laga soo celiyay dhamaan abaalmarintii ay ku guulaysatay tartankaasi. Arrinkan gabadhan inuu sax ahaa laguna xadgudbay waxa la ogaaday ka dib dhimashadeedii.

Erayga Chimera ayaa macno ahaan ah loo isticmaala “muujinta jiritaanka qof ama noole jidhkiisa ku sita laba nooc oo unugyo ah oo kala duwan”. Kala duwanaanshahan iyo isdhexgalka jir ahaaneed waxaa lagu arki karaa dadka Chimera, waa run kiisaska badankood lama arki karo, laakiin mararka qaarkood waxay ka muuqdaan jidhka kuma eka heerka dhiigga iyo hiddo-sidaha, sida haddii qofku ku dhasho indho midabyo kala duwan leh.

Xitaa midab maqaarka oo kala duwan ayaa la arkaa sida xaalada fannaanada lagu magacaabo Tyler Muhl, oo tidhi “sanado badan ayaan la tashaday dhakhaatiirta anigoo waydiinaya sababta caloosheeda loo kala qaybiyey kala badh laba midab oo kala duwan, baadhitaano dheer iyo dib u eegis ka dib, waxaan aakhirkii ogaaday in xaalada ay sabab u tahay jiritaanka laba nooc oo DNA ah oo iyada ku jira, tanina waxa ay ka muuqatay unugyada jidhkeeda, kiiskanna badanaa waxa uu dhacaa Markay ay baaba’do midkood mataanaha aan sinnayn ee uurka ku jira.

Ugu dambeyn, kiiskan (mataanaha la waayey) waxa la sheegay inay u taagan yihiin 33% (saddex meelood meel dadka ku dhici karaan), sida lagu sheegay daraasad dalka Danishka laga soo saaray waana mid aad u badan haddii taasi sax noqoto.

Source  (Mom Of 3 Takes DNA Test documentary)

Leave a Reply