Xulka Daadmadheedh oo u Gudbay Wareega Afar Dhammaadka Tartanka Gobollada Somaliland

0
622

Hargeysa-(Dawan)-Xulka Gobolka Daadmadheedh ayaa u gudbay wareega Afar dhammaadka Tartanka Kubadda Cagta ee gobollada JSL, Kadib markii ay Afar gool iyo Eber ay kaga badiyeen xulka kubadda Cagta ee gobolka Sool oo ay galabta ciyaar adag iskaga horyimaadeen Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag oo laba xulba  ay soo bandhigeen ciyaar kulul, waxa ay qaybtii hore lagu kala baxay barbar-dhac gool la’aan ah, hase ahaatee markii qaybtii labaad la iskula soo noqday ayaa xulka gobolka Daadmadheedh uu la yimid afar gool  oo laba ka mid ah  uu dhaliyey ciyaaryahanka Sharmaarke, halka labada gool ee kalena ay kala dhaliyeen  Daa’uud Lucio iyo Wardi Axmed.

Xulka  Gobolka Daadmadheedh waxa ay wada ciyaari doonaan ciyaarta Afar dhammaadka xulka gobolka Hawd oo hore rigooreyaal ugaga soo badiyey Xulkii gobolka Badhan.

Sidoo kale, xulka Maroodi jeex  ayaa ciyaarta afar dhammaadka la ciyaari doona xulka ku guulaysta ciyaarta ay Arbacada Beri iskaga hor imanayaan Xaysimo iyo Gabiley.

Leave a Reply