Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay in ay 550 Askari ka dileen Tigreega

0
551

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah.

Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray.

Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya.

Dhanka kale booliiska federaalka Itoobiya ayaa sheegay in la xidhay 17 sarkaal oo ka tirsan militariga, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen khadka isgaadhsiintii u dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka.
Xukuumadda Itoobiya ayaa dhanka kale ku gacan seydhay baaqii ahaa in wadaxaajood la furo.

Redwan Hussien, oo ah afhayeenka dowladda Dhexe ayaa sheegay in wadahadalo la furaa ay suuragal noqonayso oo kali ah “marka la burburiyo hubka culus ee gacanta ugu jira xoogagga daacadda u ah TPLF.

Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay doonayaan inay soo badbaadiyaan shaqsiyaad gacanta ugu jira xoogagga Tigreeda, islamarkana gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka.

Waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aadan in dagaalka la joojiyo islamarkana wadaxaajood lagu soo afjarayo colaada.

Leave a Reply