Xaaladda Gool-hayaha Gobolka Sool oo Kasoo Raynaysa

0
1181

Hargeysa-(Dawan)-Xaaladda Caafimaad ee Gool-hayaha gobolka Sool Yuusuf Lambaasa, ayaa maanta fiican, ka dib markii uu xalaad miyir beel   galay Xalay.

Ciyaaryahan Yuusuf ayaa ka soo baxay xaaladdii miyir doorsoonkaa ahayd ee uu galay.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Waaaaradda dhallinayada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa Cisbitaalka Haldoor oo uu yaallo ku booqday.

Gool-haye Yusuuf ayaa dhaawac dhinaca madaxa ah ka soo gaadhay Ciyaartii u dhexaysay kooxdiisa iyo gobolka Daad-madheedh.

Leave a Reply