Ururka Naafada Somaliland oo Asxaabta Qaranka Fariin u Diray

0
549

Hargeysa (Dawan) Ururka naafada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xisbiyada Qaranka fariin u diray kana codsaday in dadka naafada ah ay ka qayb geliyaan xubnaha ay u xulanayaan in ay u tartamaan doorashooyinka, golayaasha degaanada iyo wakiillada.

Guddoomiyaha ururka naafada Jamhuuriyadda Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay, diwaangelinta cod bixiyayaasha ee dalka ka bilaabmaysa, waxaanu dadka naafada ah ku dhiirigeliyay in ay is diwaangeliyaan oo ay qataan kaadhka codbixiyaha si ay wax u dooran karaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in ay faro madhan  ka joogaan golahi wakiilllada ee hore la doortay oo aanay naafada waxba u qaban, welina hortaagan yihiin xeerkii naafada, waxaanu codsaday taa baddelkeeda in ay golaha wax ku yeeshaan ka hadasha baahiyaha dadka naafada ah.

Guddoomiyaha ururka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye (Awr-table) oo wareysi gaara siiyay wargeyska Dawan ayaa yidhi. “Waxaa aan leeyahay dadka naafada ah ee aan kaadhka qaadan bari iyo galbeedba in aad kaadhka qaadataan, islamarkaana si ay nabadgeliyo ku dheehan tahay ay ku qaataan si ay ciddkastaba cidda ay jeceshahay ay daneynayso ama horumarka loo socdo loo gaadho”

Guddoomiyaha ururka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye sidoo kale waxaa uu gaar ugu diray fariin guddida doorashooyinka Qaranka Somaliand. “Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland waa dhex dhexaad waxaa aanu ka codsanaynaa hadii aanu nahay ururka naafada Jamhuuriyadda Somaliland, hadii aanu nahay ururada naafada waxaa aanu ka dalbanaynaa in ay naga qayb geliyaan doorashooyinka Qaranka Somaliland, sababto ah dadka naafada ahi maaha dad bilaa aqoona, oo gacmaha laabta, waa dad shaqeyn kara waana dad waddankan waayo badan u soo maray, marka waxaa aanu codsanaynaa in ururada ay siinayaan mashaariicda ay naga qayb geliyaan”

Ururka naafada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xisbiyada Qaranka fariin u diray kana codsaday in dadka naafada ah ay ka qayb geliyaan xubnaha ay u xulanayaan in ay u tartamaan doorashooyinka, golayaasha degaanada iyo wakiillada. “Xisbiyada Qaranka dadka ay murashixiinta u soo xulayanayaan waa in ay ku daraan dadka naafada ah, sababtoo ah dad badan oo naafo ah oo dhallinyaro ah ayaa waxbartay,  marka uu qofku waxbarto in jidh ahaan lagu reebo maaha, naafo-nimadu waa qofka ILLAAHEY caqligiisi ka qaaday, marka waxaan leeyahay waar dadka naafada ah ee waxbartay kuraasta wax halaga siiyo si ay noo matalaan.

Mudanayaasha maanta jooga aqalka baarlamaanka iska daa in ay noo hadlaane kaabad aanu ka galo wali noomay sameyn, ilaa haddana xeerkii naafada may ansixin, waxaa aanu bulshada ka codsanayna  kuwa danbe ee la soo xulayo in aanu cid ku yeelano, iyo xukuumadda iyo xisbiyaddaba, si aanu uga hadalo ama ay noo matala’aan  loogana baxo duruufaha kala duwan ee dadka naafada ah ku xeeran,  loona helo cidd matasha dadka naafada ah.

Waxaa aanu nahay bulshada ugu badan ee lagu soo biiro, dalka waxbaanu ku leenahay, hadday saami noqoto waxbaanu ku leenahay, hadday caafimaad noqoto waxbaanu ku leenahay, hadday waxbarasho noqoto waxbaanu ku leenahay”

Guddoomiyaha ururka naafada Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye

Halkan ka Daawo

Leave a Reply