Guddida Qandaraasyada Qaranka oo kala horaya 133 Shirkaddood oo u tartamaya 10 Mashruuc

0
381

“Qandaraasyada in loogu tartamo si daah-furan waa siyaasadda Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL oo ah in dhaqaalaha Dalka loo sinnaado”Gudd. Nuux Maxamed Xuseen
Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa (Dawan)-Guddida qandaraasyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa daah-furay Axadda maanta tartan loo gelayo 10 Qandaraas lagu hirgelinayo mashaariic ay Dawladdu ka fulinayso gobolada dalka, qandraasyadaasoo ay soo dalbadeen 133 Shirkadood oo tartameyaal ah.
Munaasibada shaacinta tartankan oo lagu qabtay xarunta guddida ee caasimada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamida Guddida Qandaraasyada oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddidaasi Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, agaasimaha guud ee guddida qandaraasyada qaranka iyo Wakiillo ka socda shirkaddaha tartamaya.
Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay si cadaalad ah oo ka turjumaysa daah-furnaantii looga bartay ay ku kala xullan doonaan Shirkaddaha soo codsaday fulinta mashaariicdaasi.
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in ay ku shaqaynayaan siyaasadda Xukuumadda ee ku wajahan in dadku u sinaado ka faa’idaysiga Dhaqaalaha Qaranka.
“Saaka (Shalay) halkan waxa ku tartamaya 133 shirkaddood, waxa ay u tartamayaan 10 Mashruuc, waxa ku guulaysan doona 10 shirkadood, tobankaa shirkadood waxaanu u xullan doonaa si daah-furan”
Guddoomiyaha oo hadalka sii wata ayaa intaasi ku daray “In qandaraasyada loogu tartamo si daah-furan waa siyaasadda Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo ah in dhaqaalaha Dalka loo sinnaado, Shirkaddaha guulaysta waxaan shaqo wanaagsan, kuwa laga guulaystana nasiib-wanaagsan”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, oo halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyay guddida qandaraasyada qaranka habka hufnaanta leh ee loogu tartamo mashaariicda dawladda, taas oo uu tilmaamay inay horseedayso caddaalad iyo sinnaan isaga oo ugu baaqay shirkaddaha guulaystana in ay dhisme tayo leh, oo dhaxalgal u noqda qaranka dhisaan.
Agaasimaha guud ee Xafiiska guddida Qandaraasyada Cabdirisaaq Axmed Diiriye, ayaa soo dhaweeyey Shirkaddaha tartanka ka qaybgalay.
Xubno ku hadlay afka shirkaddaha tartameyaasha ah, ayaa sheegay inay ku qanci doonaan natiijo kasta oo kasoo baxda guddida qandaraasyada qaranka, kuna kalsoon yihiin kala saarista guddida.
Guddida Qandaraasyada ayaa tan iyo horaantii sanadkan 2020 kala horayey boqolaal shirkadood oo si joogto ah ugu tartama fulinta mashaariicda dawladdu hirgelinayso, iyadoo si weyn loogu majeertay hannaanka togan ee ay u baahiyaan qandaraasyada iyo sida hufan ee ay u soo saaraan natiijada bilaa cabashada ah, taasoo ka turjumaysa kalsoonida lagu qabo shaqadooda.

Leave a Reply