Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in aanay goobaha waxbarashadu noqon meelo ganacsi loo furto balse muhiimadu ay tahay in ay soo saaraan arday tayo leh, taasna xukuumaddu ku ilaalineyso.
Sidoo kale agaasimuhu waxaa uu ka hadlay agaasimaha guud waxbarashada farsamada gacanta iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka ummadeed iyo mudnaanta ay xukuumaddu siinayso horumarinta waxbarashada farsamada gacanta.
Dhanka kale waxaa uu ka hadlay deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha dalka oo ay u qaateen arday ka soo jeeda qoysas danyar ah oo dalka oo dhan ah oo la soo xulay, kuwaasi oo sannadkan dhan 257-arday, oo laga soo xulay intii soo codsatay in laga qayb geliyo deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha dalka, laguna qiimeeyay xaaladahooda gaarka ah.
Agaasimaha guud oo wareysi gaara siiyay Dawan Media Group, waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxa ka mida sida waxbarasho loogu helayo, carruurta reer miyiga, ee loo soo gaadhsiinayo kuwa magaalada, dedaalka dawladda ee ubadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo tayeynta macalimiinta dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Abokor Maxamed, isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland waxaa ay masuul ka tahay in ubadka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ay waxbarasho helaan, ka danyarta ah, ka dhaqaalaha leh, ka naafada ah, in ku waliba in waxbarashada dastuurku u dammaanad qaaday in uu helo.
Hadaba iyada oo taasi laga duulayo waxaa jira heshiis ka dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha dalka, oo ah in la kaabano lana daryeelo danyarta ah, lana siiyo deeqo waxbarasho, marka wasaaraddu way baahisay shuruudo ayaa lagu xidhay, dadkii shuruudaha buuxiyay dhammaan way soo wada xereeyeen, guddi ayaa marka wasiirku u saaray markii la eegay, shuruudihii intii buuxisay laba boqol iyo todoba iyo konton arday ayaa jaamacadaha dalka look ala qaybiyay, jaamacadkastana waa loo qaybiyay, waxaanu rajaynayna in dhammaan ardayii heshay waxbarashada bilaashka in ay la soo xidhiidhan xafiiska tacliinta sare, ee wasaaradda waxbarashada, agaasimaha tacliinta sare hawshaasina waxa la eegay dadkii codsiyada keenay wasaaradda iyo xafiisyada gobolada shuruudihii marka wasaaraddu u dejisay ee ahaa in ardaygaasu soo codsaday in uu jaamacada ka diwaangeshan yahay, in goobtaasi uu iskuulka ka dhigan jiray aanay jaamacadii ku oolin, waxaana la tixgelinayay dadka danyarta ah haday agoomaha yihiin iyo haday ciidamada yihiinba, waxaana hoggaaminayay agaasinka tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada”
Sido kale agaasimuhu waxaa uu ka hadlay xarumo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo xukuumadda Somaliland taakuleyso. “Waxa jira xarumo waxbarasho oo wasaaraddu taakulo gaadhsiiso, islamarkaana miisaaniyada Qaranka ku jira, oo kab la siiyo kuna yaala gobolada dalka, kana mid yihiin xarumaha dadka maqalka naafad ah wax lagu baro, dadka xannuunada Otisamka qabba iyaguna wax bara, iyada oo arrimahaasi ka duuleysa ayay xukuumaddu kab siisaa, waxaanu ka taageerna macalimiinta ubadka wax u dhigaysa, ubadka baahiyaha gaarka ah qaba carruurta kale uunbay la mid yihiin maaha dad ka duwan, kartidooda, aqoontooda, xirfadoodu aad iyo aad ayay u sareysaa”
Dhanka kale agaasime Axmed Abokor, waxaa uu faahfaahin ka bixiyay tayeynta macalimiinta dalka. “Dugsiga tababarka macalimiinta Qaranku waa wax taariikhda u galay Somaliland, iyo madaxweynaha maanta talada dalka haya mudane Muuse Biixi Cabdi, dugsigani waxaa uu wax weyn ka tari doona tayada waxbarashada dalka.
Dhawaan waxaa ka qalin jabiyay 400 oo macalin oo madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyay, waxaa kale oo imika ku jira 400 oo kale oo dhammeystiraya, waxaa iyaguna sannadkan soo bilowgiisa soo galaya illa kun macalin oo dheerada, ujeedaduna waxaa ay tahay in macalimiinta waddanka oo dhan la tababaro, macalimiinta intooda badani waa ay tababaran yihiin, boqolkiiba sideed iyo lixdan ayaa tababaran, macalinkii gabooba, kii ka baxasi aanay macalimiintu uga madhnaanin dugsiyada waxaa aanu sameynay barnaamij kale oo kan barbar socda, macalimiinta aan dugsiyada dhigan, balse marka ay dugsiyada sare ka soo baxeen la siiyo xirfada macalinimada, marka waa dhiiig cusub oo lagu shubayo xirfada macalinimada, oo marka ay tababarkaasi dhammeystaan si toosa wax uga dhigi doona dugsiyadda.
Markii hore jaamacado gaara ayaa tababari jiray macalimiinta anigaba Jaamacada Camuud ayaa la igu soo tababaray, oo macalinimo ayaa la igu tababaray, dugsiyada sare ee dalka ayaan wax ka soo dhigay, marka macalimiinta imika jooga waxaa ay nasiib u heleen in lagu tababaro Jaamacad Qaranku leeyahay, marka wax weyn ayay tayada waxbarasho ee dalka ka tartay, sababto ah natiijadii u danbeysay ee imtixaanka ayaa muujinaysay, waxaana ay ka muuqata markaad iskuulada booqato qaabka ay wax u dhigayaan macalimiintu, kuuliyadda tababarka macalimiintu waxaa ay u furan tahay qofkasta oo macalina markaa”
Waxaa kale oo uu iftiimiyay sida ay ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in aanay goobaha waxbarashadu noqon meelo ganacsi loo furto balse muhiimadu ay tahay in ay soo saaraan arday tayo leh, taasna xukuumaddu ku ilaalineyso waxaanu yidhi. “Waxaa aanu ka dagaalana in waxbarashadu ganacsi innaga noqoto, oo laga dadaalo waxbarashadii in aanay noqon meel dhaqaale uu ka raadiyo xarunta bixinaysa balse laga eego qofkan soo baxaya ma yahay qof Qarankan anfacaya marka wax badan ayaa innaga dhiman, tayadu halkii aanu ku qanacsaneyn ma joogto, balse habraacyo ayaa jira waala qiimeeyay sannadkii hore jaamacadaha, kuwa la siiyay sannad, dib ayaa loo qiimeyn doona jaamacadaha, sannadkii hore jaamacadaha caafimaadka bixiya ayaa la qiimeeyay, jaamacadaha marka buuxin waaya heerkii loogu tallo galay ama halbeegii loogu talay fakalada ay bixinayaan wada tashi ayay ka yeelan doonta wasaaraddu, mana noqon doonto in Qaranka la lu gooyo, tallaabo cadd ayaana laga qaadan doonaa”
Waxaa uu is dul taagay farsamada gacanta iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka ummadeed iyo mudnaanta ay xukuumaddu siinayso horumarinta waxbarashada farsamada gacanta. “Farsamada gacantu waxaa ay ku jirta qodobada mudnaanta koobaad noo ah, sababtuna waa qofku marka uu farsamada barto, shaqo ayuu helayaa, naftiisana waa uu ku filaanayaa, Qarankana cashuur ayuu ku soo celinayaa, cashuurta uu Qaranka ku soo celiyay waxa ay sahlaysaa in waddooyin la dhiso, in dugsiyo la dhiso, in abniga lagu ilaaliyo iyo in horumarka lagaga shaqeeyo, taasi ayaanu markaa u saarnay mudnaanta xirfada.
Dugsiyo xirfada bixiya ayaa jira dalkeena oo dugsiyo sare ah, iyo kuwa xirfado gaagaaban bixiya, waxaa ka mida dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa, dugsiga farsamada gacanta ee Burco, oo labadaba marka dawladdu gacanta ku hayso, dugsiga farsamada gacanta ee Beer, dugsiga farsamada gacanta ee Adhi-caddeeye, dugsiga farsamada gacanta ee Berbera oo bulshadu bilowday oo sannadkan dawladdu kab siiso islamarkaana ay taageerto, dugsigii farsmada gacanta ee Gabilay ayaa dhismihiisu socdaa oo imika dhammaada, waxaa kale oo qorshahayagu yahay in laba dugsi oo kale aanu ka hirgelino gobolada Awdal iyo Sanaag, waxaasi oo dhammi waxaa ay innaga caawin doonaan in dadkeenu noqdaan bulsho xirfada ku shaqeysata, waddankeenuna uu la tartamo waddanada kale.
Waxyaabaha ku murugo gelinaya waxaa ka mida in shaqada qofka farsamo yaqaanka ahi qabto ay noqoto shaqo liidata marka, mar walbana loo baahanayo qof ajanabi ah, haddii gaadhi la hagaajinayo, haddii waddo la hagaajinayo, hadii guri la dhisayo, waxaa ugu yar qurxinta guryaha la qurxinayo, taasi si aynu uga xorowno in dadkeeni aynu xirfad tayo leh barno, dhawaan waxaa aanu tababarayna boqol iyo labaatan macalin oo aanu ku tababari doono xirfadaha kala duwan, loona tababaro xirfadaha dugsiyada gacanta, oo kuwa dawladda iyo kuwa gaarka ahba, dhammaantoodna waxaa ay ka siman yihiin in kuwa xirfadlayaasha ah kor loo soo qaado, marka dardaaranka aanu halkan ka diraynaa waxaa weeyi in dugsiyada xirfada bixiya wax taya leh bixiyaan, hadii qofka la soo saara wax taya leh aanu qaban kareyn waligeenba ajaanib ayaa inoo shaqeyn doona, waxaana iman doonta wakhti la odhan doono dugsigaasi xirfad ma bixiyo”
“Covid-19 xannuun halistiisa leh ayuu ahaa, waxbarashada dalka sannad dugsiyeedkii imika dhammaaday saameyn weyn ayuu ku yeeshay, afar bilood ayay dugsiyadu xidhnaayeen, ardayduna waxaa ay wax ka baranayeen Tv-ga iyo idaacadda”Ayuu yidhi mar uu ka hadlayay saameynta xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 uu ku yeeshay geedi socodka waxbarashada dalka.
Agaasimaha guud waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxa ka mida sida waxbarasho loogu helayo carruurta reer miyiga, ee loo soo gaadhsiinayo kuwa magaalada waxaanu yidhi. “Si dadka xoola dhaqatada ah ee reer guuraaga, waxbarasho loo gaadhsiiyo qorshaha ay wasaaradda waxbarashadu ka leedahay waa in iskuula guur guuri kara loo sameeyo, (Mobile Education), qorshe kale ayaa isna jira oo ah in ardaygii inta loogu duubo mobilada balbalaadhan kadibna ardaygii la siiyo, duruuftuna u saamaxdo in ardaygu halkaasi wax ka akhristo, hababkaasi waa hababka lagu gaadhsiin karayo, waxaa kale oo jirta goobaha kale ee aan iskuulaadka laheyna in dawladdu iskuulo ka dhisto, kadibna markaasi la balaadhiyo, mar walbana waxaa aanu jecelahay in dadka miyiga jooga ay waxbarashadu u gaadho sida ka magaalada jooga, waxa kale oo jira barnaamij kale oo la soo koobay oo ardaygii isaga oo sagaal jira marka uu waxbarashadii galo uu shan sano gudaheed waxbarashadii ku dhammeynayo, waxyaabahaasi waa waxyaabaha ay wasaaraddu markaasi u diyaarisay”
Wareysigaas oo dhammeystiran halkan ka daawo