Jabuuti oo War ka soo Saartay Dagaalka ka socda Dalka Itoobiya

0
446

Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa war ka soo saartay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, kaasi oo u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF.

Dawladda Jabuuti waxay ku baaqday in Wada-hadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigreega isla-markaana ay diyaar u tahay dedaal kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe ee haatan ka socda gobolkaas.

Qoraa ka soo baxay Dawladda Jabuuti ayaa lagu yidhi  “Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya”

Warkan oo Dawladda Jabuuti ku sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka socda, ayaa ku soo beegmay, ka dib markii Wefti ka scoda Dawladda Itoobiya Shalay tageen Magaalada Jabuuti.

Leave a Reply