Safiirka JSL ee Faransiiska oo Bogaadin iyo Talooyin u soo Jeediyey Tartankii Ciyaaraha Goboladda ee Dhammaaday

0
378

Paris-(Dawan)-Safiirka JSL ee dalka Faransiiska Md Cali Xassan Ismaaciil ayaa bogaadin u soo jeediyey shacabka iyo xukuumada hirgelintii tartankii ciyaaraha goboladda, kuna baaqay in la deegaameeyo, oo ciyaaryahannadu si fiican ugu soo tartamaan goboladda.

Qoraal bogaadin iyo tallo soo jeedin ah oo Safiirka JSL Md Cali Xassan soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, Radio Hargeysa ayuu ku sheegay in xaalad kastoo dalka ka dhacda caalamku indhaha ku hayo, loona baahan yahay in wadajir loo ilaaliyo amaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaanu ku bilaabay;

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan ciyaaryahanadii goboladda dalka ee ka qeybgalay tartankii shalay dhamaaday, kooxdii gobolka daad-madheedh ee horyaalka qaaday, iyo gobolkii kaalinta labaad ku guulaystay.”

Safiir Cali ayaa ku amaanay, isla markaana sheegay in tartanka ciyaaraha goboladdu ku hirgaleen dedaalka xukuumada,, wasaaradda Ciyaaraha iyo hay’adaha amaanku uga hawlgaleen hirgalintiisa,

“Waxaan hambalyeynayaa dedaalka xukuumada oo u hogaaminayo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Wasaaradda Ciyaaraha iyo hay’adaha amaanka, gaar ahaan Ciidanka Booliisku u galeen hirgalinta tartankii ciyaaraha goboladda, oo  Ilaahay mahadii nabadgelyo inoo soo dhamaaday.

Mar uu talooyin ku biirinayey qaababka ugu wanaagsan ee tartamada mustaqbalka in loo hirgeliyo ayaa isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,

“Maadama tallo iyo tusaale in lagu biiriyo horumarka dalkeena muhiim tahay, waxaan soo jeedin lahaa in tartanka ciyaaraha goboladda la deegaameeyo, oo kooxahu inbadan isku soo arkaan gobolada dhexdooda, afarta kooxood ee kulan-dhamaadka soo baxana ciyaartooda fiinalka la keeno caasimada, isla markaana dhaqaalaha ciyaaraha gobol walba ka dhaca, qeyb fiican loo qoondeeyo kooxda gobolka, si ciyaaryahanadu u arkaan guusha cagtooda, sidaa ayey is-dhexgal badan iyo is-barasho ku kala helayaan dhalinyarada dalka.

 

Safiirka JSL Md Cali ayaa gebagebadii ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka shaqeeyaan ilaalinta amaanka iyo xasiloonida dalkooda, oo ah waxa caalamku innagu majeerto, waxaanu yidhi,

“Waxaan u soo jeedinayaa bulshada Somaliland inay ilaashadaan amaanka iyo xasiloonida Ilaahay SW dalkeena ku mannaystay, taasoo ah waxa caalamku innagu majeerto, horumar waara-na ummad ku gaadhi karto wadajir iyo isku duubni.”

 

Leave a Reply