Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka tacsiyadeeyey Geerida Cumar Carte

0
421

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaranka ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Siyaasiga caanka ahaa ee Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha, ayaa tilmaan ka bixiyey shakhsiyadii Cumar Carte Qaalib, isagoo ka tacsiyadeeyey guud ahaan umadda afka Soomaaliga ku hadasha.

Sidaasina waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo goor dhaweyd ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada JSL, kaasoo nuqul kamida soo gaadhay Warqabadka Wargeyska Dawan.

Tacsida Madaxweynaha:INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika, xilal kala duwana oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaadeen magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somaliland ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a Reply