Akhrisku Waa Hagaha Horumarka Bulsho!

0
344

Akhrisku waxa uu qiimo weyn u leeyahay dadka akhriska badan. Waxaana uu kor uqaada aqoonta iyo waayo aragnimada qofka. Aayadii ugu horaysay ee Quraanka kariimka ah ee soo degtaana waxay ahayd “ Akhri” oo Rasuulka (scw) Allah ku amray inuu magaciisa akhriyo. Waan qiimaha cilmiga iyo gaar ahaan akhriska.

Iyadoo timaadada qofku Allah ogyahay haddana waxa laga saadaaliya sida noloshiisu noqon doonto wakhtiyada ku soo waajahan Kutubta iyo buugaagta uu akhriyay iyo bulshada uu la dhaqmay.

Akhrisku waa horumarka bulshooyinka, qofka akhriska badani wuu ka maskax iyo miisaam weyn yahay dadka aan waxba akhriyin, maxa yeelay waxa uu helayaa qoraalo kala duwan oo ka soo burqaday maskaxo aqooni ka soo maaxayso.
Akhriskuna waxa uu saameeyaa hab dhaqanka, fikirka iyo fogaal aragga qofka ama bulshada akhriska badan.

Aqoonyahano badan oo la weydiiyay aadmiga hogaanka dunida qabanaya, waxa ay si dhakhso ah uga jawaabaan waa dadka akhriska  badan.  Dhamaan dadka dunida wax ka bedelay waxay ahaayeen kuwo akhriskoodu aad u sareeyay. Japan waa dalalka ugu akhriska badan uguna horumarsan dhinaca dhaqaalaha.

 

 

 

Leave a Reply