Kal-fadhigii 44–aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Si Rasmiya u Furmay

0
469

Hargeysa (Dawan) —  waxa maanta si tasmiya u furmay kalfaďhigii 44-aad ee golaha wakiilada JSL.

Fadhigan maanta oo ay ka soo qayb galeen inta badan mudanayaasha goluhu ayaa waxa shir guddoominayay  guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo uu hareer fadhiyay guddomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Fadhigan ayaa ugu horayn faataxada loogu maray looguna duceeyey ALLE Naxariistii jano ha ugu deeqee laba mudane oo geeriyooday intii fasaxa kalfadhiga lagu jiray oo kala ahaa.

1.AHN. Axmed Maxamuud Nuur

  1. AHN Cabdikariin aw Cali Shabeel

Sidoo kale waxa golaha  lagu soo dhaweeyey 4 mudane oo golaha ku soo biiray oo kala ah.

  1. Xasan Xuseen Codyare
  2. Jamaal Maxamed Warsame (Xiinwaal )

3.Bashiir Sh. Ibrahim Bakaal

  1. Axmed Cabdi Xuseen (Axmes Inni)

Ka dibna waxa mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 44-aad oo lagu war geliyey inay beri Axada u soo diyaar garoobaan Ajandaha Doodiisa.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbayn mudanayaasha ku adkeeyey inay beti 9:00 Subaxnimo ka soo xaadiraan golaha waqtigana ilaaliyaan isagoo Fadhigii 1aad ee kalfadhiga 44aad sidaas ku soo xidhay.

 

Leave a Reply