Guddoomiye Saleebaan oo ka Hadlay Dagaalka Itoobiya

0
472

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in la siyaasadeeyay shaqaaqadii ka dhacday degaanka Shidan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in colaadda Itoobiya ka socota ay ka qayb qaadanesyo dawladda Masar, iyada oo sida uu tilmaamay ka daba taagan arrinta biyo xidheenka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay, diwaangelinta codbixiyayaashu ahmiyada ay u leedahay waddanka, waxaanu muddanayaasha kula dardaarmay in ay arrintaasi kaalin libaax leh ka qaataan.

Waxaa uu sidoo kale muddanayaasha ku adkeeyay markay golaha imanayaan in aanay afxidhka ka imaanin, si ay uga hortagaan halista xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Leave a Reply