Maxaabiis xabsi ka baxsaday, ka dibna shil gaadhi ku dhintay

0
499

Beyrut (Dawan)- Dalka Lubnaan, shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaadhi, ka dib markii uu geed la galay baabuurkii ay ku baxsanayeen,  Maxaabiista ayaa kamid ahaa tiro ka soo baxsatay xabsi ku yaal meel u dhaw caasimadda Beyrut.

69 maxbuus ayaa fursad u helay inay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xidhnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.

Shan iyo toban kamid ah maxaabiistaas ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan, NNA. Mid kamid ah maxaabiista ayaa waxaa xabsiga dib ugu celisay hooyadii.

Laamaha ammaanka ayaa baadhitaan ka waday deegaanka, waxaana dadka halkaa ku nool lagu wargeliyay inay feejignaadaan.

Shilka ayaa dhacay kadib markii lix kamid ah maxaabiista baxsadka ahaa ay xoog ku qaateen gaadhi marayay meel u dhaw xabsiga oo ku yaal degmada Baabda.

“Gaadhi cad oo nooca Dacia ah ayaa afka daray geed wadada dhinaceeda ku yaal. Waxaa saarnaa tiro maxaabiista soo goosatay ah oo ka afduubay darawalkii watay,” ayay sheegtay wakaaladda NNA.

Waxa ay intaa raacisay in shan maxbuus ay ku dhinteen shilka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa billaabay baadhitaan ku aaddan ka baxsashada xabsiga.

Dacwad oogge ayaa sheegtay in aanay meesha ka saari doonin in nooc wadashaqeyn ah ay dhexmartay maxaabiista iyo ilaalada xabsiga.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply