Qodobo Muhiima oo ku Jira Ajandaha Kalfadhiga 73-aad ee Golaha Guurtidda

0
423

Hargeysa (Dawan) — Fadhigii saaka ee golaha guurtidda Somaliland, oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaas loogu qaybiyey ajandaha kalfadhigooda 73-aad, oo ay ka mid yihiin.

Warbixinta shir-guddoonka, warbixinta guddida joogtada ah, arrimaha taagan, siyaasad, nabadgeliyada iyo horumarinteeda, arrimaha bulshada, degaanka, dhaqaalaha, ansixinta xèerarka golaha horyaala, iyo kuwa uga sooo gudba goalaha wakiillada, dabagalaka iyo meel marinta soo-jeedimaha iyo go’aamada golaha iyo waxyaabo kale.

Kadib markii loo qaybiyay ajandaha guddomiyuhu waxaa uu muddanayaasha ku wargeliyay, xildhibaan Siciid Xuseen Huruse (Balaaki), oo sida uu sheegay maalmihii u danbeeyay xannuunsanayay.

Dhanka kale Sheekha Qur’aanka golaha u akhriya ayaa xildhibaanada la codsaday in marka ay soo galaan fadhiga golaha in salaanta Islaamka ay ku soo galaan ee asalaama-caleykum.

 

Leave a Reply