Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Xukun Dila Ku Dhawaaqday

0
430

Burco-(Dawan)-Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo la sheegay in lagu helay dambi ah in uu Kufsi iyo dil u gaystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd gabadh dhallinyar ah.

Ugbaad Cali Cabdilaahi  oo ahayd Hooyo saddex carruur ah haysatay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco , waxaana eedeesanaha  kiiskaan lagu xukumay uu horey u qirtay inuu isaga ka dambeeyay falkaan.

 

Ninkan ayaa booliiska isku dhiibay kadib markii uu u sheegay inuu isagu falkaas ka dambeeyay.

Warbixino horey loo baahiyay ayaa sheegayay in marxuumada iyo dambiilaha falkaan geystay ay isku guri degnaayeen, balse qoyska gabadha ayaa beeniyay inuu jiray xidhiidh u dhexeeyay labadooda.

 

 

 

 

Leave a Reply