Wasiirka Warfaafinta oo magacaabay Guddida Cusbooneysiinta Ruqsadaha

0
472

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa magacaabay Guddida Cusboonaynsiinta iyo Ruqsadaha Warbaahinta.

Sidaasna waxa uu Wasiirku ku sheegay Wareegto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta DAWAN, kaasi oo u dhignayd sidan:-

“Anigoo tixgelinaya ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana gudanayna shaqada baaxada leh ee aynu u hayno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha Gudaha JSL.

Haddaba, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 22 November 2020, waxa aan magacaabay Guddida magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kuwaas oo ka shaqeyn doona hadday noqoto dib u eegista ruqsadihii hore loo bixiyey iyo cusboonaysiinta Ruqsadaha Warbaahinta oo ay bixiso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Magacyada Guddida uu Wasiirku magacaabay waxa ay kala yihiin:-

1)- Mukhtaar Maxamed Cali, Guddoomiye,

2)- Xuseen Cali Nuur Xubin

3)-Cumar Maxamed Faarax Xubin

4)- Xamse Caydiid Maxamed Xubin

5)-Khaalid Axmed Cali Xubin

6)- Yaasmiin Axmed Yuusuf Xubin

7)- Cabdiqaadir Dayib Askar Xoghaye.

Leave a Reply