Burco: Wasiirka Biyaha oo Qalab ku Wareejiyay Wakaalada Biyaha

0
665

Burco (Dawan):- Wasiirka Wasaarada horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ku wareejiyay Wakaalada Biyaha Magaalada Burco qalab Cusub oo iskugu jira Tuunbooyinka Qaada Biyaha iyo Mishiino.kuwaas oo uu Maalgaliyay Baanka Dhexe., Ee Somaliland
Munaasibad shalay lagu qabtay Wakaalada Biyaha ee Magaalada Burco oo lagu Wareejinayay Qalabkan Biyaha oo uu Maalgaliyay Baanka dhexe ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Biyaha Maxamed Muuse Diiriye Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd Mareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Burco Cabdixakiim Maxamed Maxamuud iyo marti Sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horrayn hadal ka jeediyay halkaas ayaa ku ammaanay Wakaalada Biyaha Burco sida ay u wada Shaqaynayaan.waxaana uu yidhi”Waxa la yidhi gacmo wada jir ayay wax ku qabtaan dad isku niyad furan oo wada shaqayn leh ayaa wax qaban kara,haddii aanay wada shaqayni jirin waxba lama qaban karo waxa ka muuqata Wakaalada Burco in ay joogaan dad Wadashaqayn karaa.wixii Horumarina gacan ayaan ka siin doonaa Wakaalada Biyaha ee Magaalada Burco,”.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo hadal ka jeediyay halakas ayaa ku ammaanay Wakaalada Biyaha Burco sida ay usoo celiyaan Lacagta lagu maalgaliyo qalabka Wakaaladaas.waxaanu yidhi”Wakaalada Biyaha ee Magaalada Burco wax wayn ayay dheertahay Wakaaladaha kale lacagta way soo celiyaan,alaabta aanu maalgalinay way na tusaan illaa aanu aragno marakibaan waxaana ay na tusaan qiimihii ay ku soo iibiyeen,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu Sheegay in sidii loogu talo galay ay wax ugu qabteen Wakaalada Biyaha Burco Maalgintii Baanka dhexe ku sameeyay Qalabka Biyaha ee lagu soo kordhiyay Wakaalada.
Dhinaca kale Mareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Burco Cabdixakiim Maxamed Maxamuud oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu uga mahadnaqay Baanka dhexe ee Somaliland oo Maalgaliyay Qalabkna Maalgaliyay.

Leave a Reply