150 Arday oo ka Qalin Jebisay Muslim College oo la Maamuusay

0
822

150 Arday Hargeysa(Dawan):-Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maalgashiga iyo Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka ayaa ka qayb galay Munaasibad loo qabtay Arday ka Qalanjabisay Dugsiga Caafimaadka Muslim College ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ka soo qayb galo Ardaydan ka qalanjabinaysa Dugsiga Muslim.waxaanu yidhi”Waxaan ku Faraxsannahay in aan ka soo qayb galno Ardaydan ka Qalan jabinaysa Dugsiga Muslim College”.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo hadal ka Jeediyay halkaas ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo Caafimaadka Qaranka.waxaanu yidhi”Qofba meel ayuu fadhiisan doonta cid baa ugu Iman doonta Qaranka haloo wada shaqeeyo Caafimaadkiisana hallaga shaqeeyo,”.

Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in la dagaalanka jahliga ay ka mid tahay Waajibaadka saaran Xukuumadda.waxaanu yidhi”Waxa aan u Mahadnaqayaa Maamulka Macalimiinta Dugsiga Muslim iyo Waalidka ka soo qayb galay Munaasibadan, la Dagaalanka jahliga iyo Aqoondarada waxay ka mid tahay Waajibka inna saaran,”.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka i Mahdi Cismaan Buuri iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Ciroole oo hadal ka jeediyay halakaas ayaa waxa ay ku Amaaneen Waalidiintii ku soo tacabtay Ardaydan ka qalan jabisay Dugsiga Muslim”

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Mukhtaar Maxamed Cali oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa ku amaanay Ardaydan ka qalan jabisay dugsiga Mulim College.

Sidoo kale Maamulaha Dugsiga Caafimaadka ee Muslim College Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo isaguna hadal ka Jeediyay halkaas ayaa waxa uu Sheegay in Dugsiga Mulis la Aasaasay Sannadkii 2016,isla, markaana laga qaato Shahaadada Diploma kana qayb qaato Xirfadaha Caafimaadka ee dalka

Leave a Reply