Dadaalkii Uu Kaga Baxay Soboolnimada!

0
423

Bishii May 10, sanadkii 1940 Naasigii Jarmalka Adolf Hitler waxa uu si fudud u jebiyay ciidmadii ahaa difaacii isbahaysiga waxaana ay qabsadeen dalalka Faransiiska, Belgim, Luxembourg iyo Holand.

Ciidamadaasi oo ah kuwa lugta oo aad u xoogan. Faransiiska waxa uu noqday dal burburay, dhaqaalahiisuna liita oo sabool ah, kaabayaasha nolosha oo dhan ayay  u dhamaatay, weedhahaasina waa inta u yar ee lagu sifayn karo Faransiiska dagaalki labaad.  Waxaana wakhtiga qabsaday oo xukunka dalkaasi la wareegay Jarmalka.

Markii ay Jarmalka ka adkaadeen isbahaysigu ee uu xoroobay, Faransiisku waxa ahaa dal sabool ah, laakiin waxa uu isku deyay inuu sameeyo dib u dhis ballaadhan iyadoo ay ku adkayd xataa inuu iska bixiyo daymaha lagu leeyahay.

Labaatan sano ayuu Faransiisku ku jiray dib u dhis dhaqaale, dhisme kaabayaasha iyo mid niyadda bulshadiisa ah. Maantana ciidanka Faransiiska waa quwadda afraad ee dunida, dhaqaalahana waxa uu ku jira dalka 8aad ee dhaqaale ahaan dunida ugu horeeya. Waxaana miisaaniyaddiisu sanadkii gaadha in ka badan  4.2 Doller, Tiriliyon. Heerkaasi aad u sareeya ee ciidanka iyo dhaqaalaha leh waxa uu ku gaadhay waa dadaal iyo isku xidhnaan.

Leave a Reply