Rasuulka Allah (sw) isagoo maalin geed hoos hurda ayuu nin gaal ah oo reer miyi u yimi, seeftiisa ayuu dul qabtay waxaana uu ku yidhi isagoo aad u qaylinaya : “ Muxamedow yaa iga kaa ilaalinaya ?
Rasuulka Allah (scw) geesi ayuu ahaa wuxu yidhi : “ Allah (sw). Ninkii Gaalka ah ayay seeftu ka dhacday , markaasi ayuu Nebigu (scw) qaatay oo ku yidhi : “ Yaa iga celinaya ? Waxaana uu ku jawaabay isagoo aad u baqanaya dulqaadkaaga”.
Rasuulka Allah (scw) oo dulqaad badanaa ayaa ku yidhi “ Iska tag. Laakiin ninkii gaalka ahaa aya markiiba yidhi : “ Waxaan rumeeyay Allah iyo Rasuulkiisa”. Dhaqanka iyo akhlaaqda Rasuulka Allah (scw) ayaa ahayd mid dad badan soo jiidan jirtay oo ay ku islaami jireen.