Saboolkii Uu Caawiyay Ayaa Shaqadiisa Ka Eryay

0
796

Gilberto Baschiera, oo ah maamule xarun Baank ku yaalla dalka Taliyaaniga,  ayaa lacag gaadhays hal-milyan oo euro ka xaday sanduuqyada (Accounts) dadka maalqabeenka ah, lacagtaasi ayuu ku taageeray dadka saboolka ah ee baahan.

Farsamadan ayuu muddo muddo muddo 7 sano ah waday, waxaana uu lacagtaasi uu gudbinayay sanduuqyada dadka saboolka ah. Waxaana cadaatay in aanu hal doler keliya aanu isagu ka isticmaalin. Sida la sheegay lacagtaasi ayuu dayn ahaan u siinayay ka dibna ay ku celinayeen accounta dadka maalqabeenka ah iyagon ogaan.

Arrintan ayaa la ogaaday markii dadkii uu daynta siiyay qaarkood iska bixin kari waayeen daymihii ay qaateen, arintaasi oo keentay in maamulaha Baschiera ay ka fashilanto farsamadii uu ku taageerayay saboolka, taasi oo dhibaato ku keentay maamulaha.

Maamulaha ayaa shaqadii laga eryay iyadoo isla markaana la iibiyay gurigii uu lahaa. Waxa kale oo maxkamaddu ku riday xukun laba sano ah oo xadhiga ah, inkasta oo markii danbe damiin lagu sii daayay.  (Dailymai  October)

Leave a Reply