Xubno kamida Golaha Wasiirrada oo howlo nabadeyn ah u tegay Sool

0
482

Xubno kamida Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa booqasho howlo nabadeyn ah u joogga Gobolka Sool, halkaasoo ay u tageen xalinta shaqaaqo laba beelood ku dhex martay Deegaanka Adhi-cadeeye.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, ayaa waxa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Wasiirka Cadaallada, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo xubno kale.

Weftigan ayaa kulan xaqiiqo raadin ah kula yeeshay xarunta Maamulka Gobolka Sool, Badhasaabka iyo Saraakiisha kale ee Hay’addaha nabad-gelyada gobolkaasi, kuwaasoo uga warbixiyey xaalada nabad-gelyo iyo horumar ee gobolka.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply