Sannad Guuradii 7-aad ee Mashruuca Carruurta la Nool Xannuunka Macaanka oo Hargreysa lagu Qabtay

0
458

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay sannad guuradii toddobaad ee lagu xusayay mashruuca carruurta la nool xannuunka Macaanka, kaas oo ay iska kaashadeen fulintiisa iyo maalgelintiisa shirkada isgaadhsiinta Telesom iyo cisbitaalka Global Poly Clinic.

Munaasibadan oo aheyd mid ay soo qaban qaabisay, islamarkaana ay isku duba riday shirkada Telesom waxaa hal ku dhig sannadkan looga dhigay, Mashruucani waxaa uu badbaadiyay nolosha boqolaal carruura, waxaana ka soo qayb galay madaxda shirkada isgaadhsiinta ee Telesom, masuuliyiin ka socday wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, iyo walidka dhallay ubadkan la nool xannuunka Macaanka, ee ay maalgelintooda ka kafaalo qaadatay shirkada Telesom.

Agaasimaha horumarinta shirkada isgaadhsiinta ah ee Telesom mudane Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in shirkadoodu ay daaweyn  joogta ah ka taageerto ku dhawaad laba boqol iyo labaatan carruura oo la nool xannuunka Macaanka, islamarkaana ka soo jeeda qoysas aanay buurnayn hayntooda dhaqaale . “Halkan maanta waxaa ku sugan in ku dhaw laba boqol iyo labaatan carruura oo ka soo jeeda qoysas danyara, oo dhammaan carruurtaasi yihiin kuwa la nool xannuun Macaanka, shirkada Telesom waxaa ay ka taageerta ubadkaasi inay helaan daawooyin joogta ah, si haddii ILLAAHEY u sii baaqi yeelo ay u sii noolaadaan oo xannuunka ula noolaadaan.

Marka ujeedada shirkadu ka laheyd waxaa ay aheyd kow in dayarteena ama carruurta xannuunkaasi la nool ee aan awoodin inay dawooyinka iibsadaan in intii karaanka ah laga caawiyo inay helaan daawo joogta ah, si ay u noqdaan kuwa mustaqbalka ehelkooda anfaca, Qaranka iyo umaddana anfaca, ta labaadna waxaa ay aheyd in aanu guddano waajibka naga saaran bulshadayada, weliba inta jilicsan, ILLAAHEY sumxaana waatacaala waxaa uu leeyahay haddii aad isu naxariisataan intiina dhulka jooga ALLAHA samada jooga wuu idiin naxariisanayaa, waxaanay aheyd in aanu gudano qayb ka mida amarka ILLAAHEY, waanu joogteyn doona marbana sidii loo kordhin karo ayaanu u kordhin doonaa, maadama ay konton carruura ka soo bilaabmeen maantana halkaasi marayaan, haddii ILLAAHEY yidhaaho in aanu hore u sii waddno, inta awoodayada ahna aanu gacanta ku heyno”

Mako Ciise Aadan oo ka mida waalidinta shirkada Telesom ay ka kafaalo qaaday daaweynta ubadkooda ayaa shirkada iyo cisbitaalka labadaba uga mahad celiyay sida ay habeen iyo maalin heeganka ugu yihiin in ubadkani la daaweeyo “Waxaan ka mid aheyn hooyooyinka ubadkoodu la nool yihiin xannuunka macaanka, gaar ahaan kontonkii qof ee ugu horeeyay ee shirkadu kaafaalo qaado daaweyntooda, 2014 illa 2020-tan toddoba sanno ayaanu daaweyn qaadaneynay oo aanu siinaynay ubadkayaga Alxamdulilaah, xaalada aanu la soo darisnay ILLAAHA RAXMAANKA ah uunbaa ogaa.

Anniga oo ku hadlaya afka waalidiinta ubadkoodu la nool yihiin Macaanka ee shirkada Telesom kafaalo qaaday een qofkastaba xaalad gaara ayuuu la soo kulmay, imikana in ay ka dhimatay iyo in ay u nool yihiinba waa ay leedahay, tallooyin fiican ayay dhakhaatiirtu na siiyaan, kow waxaa ka ah xaaladii na haysatay iyo Telesom halka ay naga soo qaaday, waxaa mahad iska leh ILLAAHA na siiyay cidd nagu garab gashay qadarta EEBE, ee xannuunka carruurtayada”

 

Leave a Reply