Xisbiga WADDANI oo Raaligelin ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Masuul ka tirsan Xisbigood

0
442

Hargeysa (Dawan) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa raaligelin ka bixiyay hadal ka soo yeeshay masuul  ka tirsan xisbigooda, masuulkaasi oo hore u dhaliilay gudidda doorashooyinka Qaranka.

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa guddida doorashooyinka ka raaligeliyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ee gobolka Awdal kaas oo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ku dhalliilay muddada kooban ee la siiyay diwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Awdal.

Sidoo kale siyaasi Ismaaciil Yare waxaa uu sheegay in guddida doorashooyinku aanay aheyn xukuumadda ay kursiga isku eryanayaan, balse guddidu doorashooyinku ay yihiin guddi Qaran.

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) “Guddida doorashooyinka Qaranka waxa aan ka raaligelinayaa haddalka ka soo yeeshay guddoomiyaha xisbiga WADDANI wakiillka uga ah gobolka Awdal ee dharaartii dhaweyd hadlay, qaladna way aheyd, khalad wuu dhici karaa waana la sixi karaa, xukuumaddii aanu kursiga kala eryanaynay maaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, waa guddidii doorashooyinka Qaranka.

Xukuumadda waxaa laga yaaba in aanu warbaahinta u soo fadhiisano wax jira iyo waxaan jirinba eedeydu ka timaado, waana siyaasad noo taala, balse guddida doorashooyinku shaqadii Qaranka ayuu hayaa”

Leave a Reply