Akhri: Magacyada Guddida Anshax-marinta ee Golaha guurtiddu Magacaabay

0
618

Hargeysa (Dawan) Golaha guurtida Somaliland, ayaa guddi anshax-marineed u saaray laba mudane oo ay ku eedeeyeen in ay hawshi golaha is hortaageen, islamarkaana ay amardiido sameeyeen.

Halka  ka akhriso nuxurka warka iyo magacyada guddida anshax-marinta ee goluhu u saaray labadaasi muddane.

Ku: Xildhibaan Maxmaed Sheekh Cabdiraxmaan Maxmaed Ilkacasr

Ku: Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug.

Ujeedo : Magacaabis Guddi Anshax-marineed.

Golaha Guurtida Somaliland waxaa ay guddi anshaxmarina u saareen labada mudane ee kor ku xusan, kuwaas oo hawshi shaqo ee golaha is hortaagay, iyaga oo sameeyay amardiido, jahawareer iyo buuq, sidoo kalena kula kacay sharaf dil golaha iyo shir-guddoonkaba, iyaga oo bixiyay wareysiyo ay ku dureen shaqada golaha si aan waafaqsaneyn xeer hooosaadka golaha iyo dastuurkaba.

Sidaasi darteed xubnaha guddida ah ee hawshaasi anshax-marinta ah loo saaray, waxaa la faraya in si dhakhso ah u an-shax-mariyaan labadaasi kiddane, ee sare ku xusan, go’aanka ay gaadhana ku soo celiyaayn shir-guddoonka.

Sidaasi awgeed, labada xildhibaan ee la anshax-marinayo waxaa laga hakiyay in ay ka soo qayb galaan fadhiyada golaha illaa arrintooda go’aan laga gaadhayo.

Mgacyada Guddida.

1 Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir
2 Xildhibaan Cabdieaxmaan Cusmaan Jaamac.
3 Caydiid Cabdi Maxamed
4 Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Aareeye.
5 Xildhibaan Xasan Cumar Axmed
6 Xildhibaan Dayib Xasann Axmed
7 Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan Muxumed.
8 Xildhibaan Cumar Nuur Xassan
9 Xildhibaan Axmed Nuur Wa Cali Aadan.
10 Cabdinaasir Aadan Beegsi xughayaha guud ee golaha guurtida Somaliland.

Waxaa warkan qoraalka ah ku saxeexan guddoomiyaha golaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan (Maxmamed Ilkacase)

Leave a Reply