Gabadha Xun Iyo Qoyska!

0
569

Bishii Feberweri sanadkii 1993 ayuu Rechard Gland oo Maraykan ahi la xidhiidhay xaaskiisa isagoo u sheegay inuu xanuunsanayo oo uu tegaayo Isbitaal. Maalintaasi ayaa xaaskiisa ugu danbaysay iyadoo wakhtigaasi haysay laba caruur ah oo ay u dhashay oo kala ahaa 9 jir iyo 6 sano jir.  Gabadhiisa oo lagu magacaabo Ester oo waraysi siisay TV  ABC NEWS, ee Maraykanka ayaa tidhi  “Ninkaygu wuu na baabiiyay, wuxu naga tegay anagoon haba yaraate haysan wax lacag ah iyo weliba wax raashin ah”.

Wargeyska Independent ee Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegay geerida Gland sanadkii 2003, iyadoo gabadhiisuna iska guursatay nin kale. Laakiin sida runta ma dhiman Gland wuxu ku noolaa deegaanka  Zephyrhills oo  u jira 1 kun mayl , goobta qoyskiisu ku noolaa oo ahayd  Indianapolis oo ka mid ah gobolka Florida. Halkaasi ayuu ku samaystay xaas cusub oo u dhashay wiil, waxaana uu sitay aqoonsiga nin kaluunka iibin jiray oo ku dhintay shil gaadhi sanadkii 1991.

Aqoonsigan ayuu ka xaday qol uu kiraystay oo uu degenaa ninka dhintay aabihii ,taasi ayuu ku shaqaysan jiray isla markaana uu ku qaatay liisanka wadida baabuurta, shaqooyinka uu ku heli jiray. Arintan ayaa soo fashilantay markii wiil uu dhalay ninka dhintay walaalkii uu internetka ka ogaaday in adeerkii uu guursaday gabadh ka dib markii uu laba sano sii mootanaa, taasi oo uu booliiska gaadhsiiyay arinkaasi, isagoo ku yidhi “ Adeerkay isagoo laba sano sii mootaan, ayuu guursaday gabadh, waa sidee “?

Booliiska ayaa soo xidhay Gland laakiin markiiba wuxu qirtay arinkaasi foojariga ah ee ku noolaa wuxuuna u sheegay in gabadhiisa oo aad u xumayd uu iskaga tegay ayna ku kelifitay arinkan.

 

Galand uu sameeyay been abuur iyo khiyaamo iyo weliba isagoo qof dhintay aqooonsigiisa ku shaqayn sanayay. Bishii Luulyo ee 2016, booliisku waxay tageen gurigiisa waxaana ay soo xidheen Richard Hoagland. Waxaana  gudaha loagu xidhay xabsi ku yaal xabsiga Pasco County iyadoo damaanada dhan $ 25,000 lagu xidhay.

Leave a Reply