Guddida Doorashada: saddex maalmood ayaa lagu kordhiyey Diwaan-gelinta deegaamada xuduudka”

0
454

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in maalmo dheeraad ah lagu daray diwaangeinta goobaha codbixiyeyaasha oo socday afar casho, balse ay dadka ku filnaan wayday muddadaasi.

Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in dhamaan degmo doorashooyinka dhaca xuduuddaha Somaliland iyo Itoobiya wakhtigaas loo kordhiyey, sidoo kalena waxa muddo intaas leeg lagu daray Caasimada degmooyinkaasi, sida Boorama iyo Baligubadle.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay xilli uu kormeer ku jooggay deegaamo kamida Gobolka Hawd.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply